Reer Khaatumo 27 sano ayey Somaliland ka baryayeen aan wax ku heshiino maanta (LAKUM DIINAKUM WALIYA DIINII)

khaatumo vs sl

Dadka degan degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn 27 sano ayey Somaliland ka dalbanayeen inay wadahadlaan oo ay wax loo siman yahay sameystaan, ama walaalo deris ah noqdaan, nasiib daro dalabkaas jawaabtiisu waxay noqotay mid isku mid ah oo quudhsi iyo kibir ku dheehan yahay, sida Xuduuda ayaan soo xidhaynaa, hadaad codeysaan wax fiican baanu idin siin doona, taasoo muujinaysa inay iyagu Somaliland gaar u leeyihiin Reer SSC-na yihiin magan marba kii yimaadaa uu wuxuu u garto u tuuro.

Tusaale ahaan heshiis xukuumadii hore beelaha Maxamuud Garaad kula gashay Awrboogays iyo Adhicadeeye, markii dhameystirkiisii la weydiiyey waxaa beesha dhexe ku jawaabtay sow anagii dhowrka wiil idiin shaqaaleynay, halka Cali Khaliif oo ugu dambeeyey oo dawladiisii iyo tolkii soo burburiyey, la cadeynayo inaan dhowr boqol oo caagle ah wax ka badan loo haynin, iyadoo hada la gaadhay xiligii lagu kicin lahaa Isxambaar, horgalo iyo qoraxjoog farabadan oo Hargeysa ku sugan kana soo jeeda degaamada SSC, kuwaas oo marba qofkii laga dan dhameysto lagu kiciyo.

WAXAA XUSID MUDAN IN ODAY KASTA OO RABAY SIDII SHACABKA WAQOOYI SI WALAALTINIMO AH OO NABADGELYO LEH U WADA NOOLAAN LAXAAYEEN LOO DILAY SI TOOS AH AMA SI DADBAN.

DADKA SIDA TOOSKA AH LOO DILAY WAXAA KA MID AH CISMAAN DHALAC IYO FUAAD AADAN CADE OO MADAXTOOYADA DHEXDHEEXA FALKU KA DHACAY, HALKA KUWA SIDA DADBAN LOO DILAY EE DHIIGA LAGU KARIYEY WAXAA KA MID AH GARAAD CABDIQANI, SARKHAAN IYO FAGADHE, SIDOO KALE WAXAA WADADII DHIIG KARINTA KU JIRA OO LA SUGAYAA CALI KHALIIF GALAYDH IYO BAASHE CALI JAAMAC OO MUDO DHEER SOMALILAND U HALGAMAYEY.

Dhanka kale waxaa cad oo marag madoon ah in Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka sii xun yahay kuwii ka horeeyey, sida ka muuqata Xukuumada uu dhisay iyo qaybta uu degaamada SSC ka siiyey oo ah 3 Wasiir oo caato ah, waxaa ka fiican 3 hayadood oo ka mid ah kuwa uu siiyey Beeshiisa Sacad Muuse sida MAAREEYAHA DUULISTA HAWADA, AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA IYO GUDOOMIYAHA U DIYAARGAROWGA ABAARAHA IYO MASIIBOOYINKA.

HADABA 27 SANO WAA MUDO DHEER OO QOFKU KU QUUSTO, QOFKII SHALAY BALANTA IYO HESHIISYADA KA BAXAYNA MAANTA AAMINKIISA IYO WADAHADALKIISA MACNO MA LEH, SOMALILANDTANI DANI INOOGUMA JIRO OO WAA MID REER LEEYAHAY, INTII AAN GAALADA LA DAGAALAMAYNAY EE DARAAWIISH JIRAYNA INGIRIISKU INAMA SIIN, DADKA MAANTA DEGAANKA TUKARAQ QAXOOTIGA KU AHINA OO KUWII SHALAY MUUSE U CODEEYEY HADDII DIIWAANGELIN IYO CODEYNI WAX TARAYSO, SIDAASDARTEED WAXAA LA SOO GAADHAY WAQTIGII QOLO WALIBA DARIIQEEDA DANTU UGU JIRTO RAACI LAHAYD OO LA ODHAN LAHAA (LAKUM DIINAKUM WALIYA DIINII)

CAAQIL KHAALID MUUSE DHIIL