Ruushka oo sheegay in uu hayo cadeymo muujinaya in sirdoonka Britain ay qeyb ka ahaayeen weerarkii sunta Suuriya

sergei levrov

Xukuumadda Moscow ayaa shaaca ka qaaday in ay hayaan cadeymo muujinaya in sirdoonka Britain ay qeyb ka ahaayeen weerarkii sunta ee dhawaan la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Duumaa ee duleedka caasimadda Suuriya ee Dimishiq.

Shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay magaalada Moscow wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayuu ku sheegay in weerarkii sunta ee ka dhacay Suuriya ay soo abaabuleen sirdoon reer-galbeed ah, ayna iyaga buufiyeen.

Lavrov ayaa sheegay in ay cadeymo u hayaan arrintaasi, waxaana uu sheegay in uu abaabulay waddan uusan isaga rabin in uu carabaabo balse ku jirto ruush-naceyb, waxaase daaha ka rogay waddanka uu yahay sarkaal ruush ah oo lagu magacaabo Igor Konashenkov kaas oo ku sheegay dowladda Britain.

Xukuumadda Moscow ayaa sheegtay in ujeedka laga leeyahay arrintan ay tahay sidii loo marinhabaabin lahaa adduunweynaha si loo sharciyeysto weerar lagu qaado xukuumadda Suuriya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa taagnaa xiisad u dhaxeysa Ruushka iyo dowladaha Mareykanka, Britain iyo xulufadooda kuwaas oo doonaya in ay weerar toos ah ku qaadaan dowladda Suuriya oo ay ridi waayeen kooxihii Mareykanka iyo xulufadiisu abaabuleen 7 sano ka hor.

Xiriirka waddamada quwadaha waaweyn ee Ruushka iyo Mareykanka ayaa maalmihii u dambeeyay sii xumaanayay, wuxuuse kasii daray kadib markii uu madaxweynaha Mareykanka kusoo qoray bartiisa Twitterka in Ruushku u diyaargaroobo gantaalaha uu kusoo ridayo Suuriya.

Ruushka ayaa sheegay in uu soo ridi doono gantaal walba oo Suuriya lagu rido, islamarkaana uu beegsan doona goobaha laga soo riday.