Sawiro Dowladda Qadar oo Basas waaweyn ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir

qadar deeqbasas banaadir2

Dalka Qadar ayaa maanta oo talaado ah waxa uu maamulka gobolkan Banaadir ku wareejisay 30 ka mid ah gawaarida basaska waaweyn ah, kuwaas oo dhowr maalin ka hor laga soo dejiyey dekada magalada Muqdisho.

Gawaaridaan basaska ah ayaa waxaa loogu talo galay in maamulka gobolka Banadir uu ugu adeego shacabka degan 17-ka degmo ee gobolkan Banaadir uu ka kooban yahay, sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulka ee maanta basaskaasi la wareegay.

Safaarada dowladda Qadar ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa wareejisay basaskan taas oo uu munaasabadeedu ka dhacday isla dekedda Muqdisho.

Basaskan ayaa inta dowladda hoose ee Xamar ka qaadatay marka laga reebo inta kale waxaa la filayaa in lagu wareejiyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo) ayaa ka hadlay goobta , waxaana uu uga mahadceliyay dowladda Qadar taageerada ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.
qadar deeqbasas banaadir2qadar deeqbasas banaadir4qadar deeqbasas banaadir1qadar deeqbasas banaadir3

NO COMMENTS