Sawiro Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay dekadda magaalo xeebeedka Hobyo

farmaajo hobyo dekada dhagax3

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug ayaa goor dhow si wadajir ah u dhagax dhigay mashriica dhismaha dekedda magaalo-xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxweymaha Galmudug mudane Xaaf ayaa sheegay in dekeddaan ay muhiim u tahay ilahooda dhaqaallaha, wuxuuna intaasi raaciyay in ay dardar gelin doonaan dhismaha dekedda Hobyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna dhankiisa tilmaamay muhiimadda dakaddan, waxaana uu sheegay in dowladdu gacan dhan walba leh ka qeysan doonsi si ay u hirgasho.
farmaajo hobyo dekada dhagax1