Sawiro Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiisyo dhinaca horumarinta ganacsiga

Mahdi Mohammed Guleed iyo rwxigeen turki ankara 2

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia, Mahdi Mohammed Guleed (Khadar), wafdigaasi oo ka kooban wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo xubno ka socda 13 Wasaaradood, iyagoo ka qeybgalay shirka iskaashiga ganacsiga Somalia iyo Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo dhigiisa dalka turkiga ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga Ganacsiga labada Dowladood, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin labada Dowladood ka kala tirsan. Sidoo kale, wasiirka cusub ee warshadaha iyo ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Heshiiskan iskaashi ayaa dhigaya In Soomaaliya suuq ku yeelato Turkiga si Ganacsiga Soomaaliya loo gaarsiiyo Yurub iyo Asia Sidoo kale Turkiga waxay qaadan doonaan oo Suuq u yeeli doonaan Khayraadka Somalia sida Kaluumaysiga, Beeraha iyo Xoolaha.

Turkiga waxay iibsan doonaan oo ay la wareegi doonaan Mooska, Liinta la qalajiyay, Sisinta iyo Kalluunka.
Mahdi Mohammed Guleed iyo rwxigeen turki ankara 2Mahdi Mohammed Guleed iyo rwxigeen turki ankara 1Mahdi Mohammed Guleed iyo rwxigeen turki ankara 3