Sawirro Madasha 3aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo Muqdisho ka furmay

madasha3 dhaqaalaha6

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa daah furay madasha sedaxaad ee siyaasadda dhaqaalaha qaranka oo maanta iyo berri ka soconeysa magaalada Muqdisho.

Madasha ayaa waxaa soo agaasimay golaha dhaqaalaha qaranka oo dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka iyada oo lagu salaynayo cilmi baaris dheer iyo cadaymo, sidoo kalana dawladda siiya talo iyo hagid ku aadan diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale oo tayo leh, kana caawinaya isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.

Tan iyo markii la aasaasay golaha dhaqaalaha qaranka, waxa ay qabteen laba madal oo hore oo looga hadlay horumarinta dhaaqaalaha dalka, waxaana qorshuhu yahay in madashaan sedaxaad si qota dheer looga doodo horumarinta dhaqaalaha bulshada, Federaaleynta dhaqaalaha iyo dadaalka dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka Musuqa.

Golaha dhaqaalaha qaranka oo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu Wareegto ku magacaabay July 12, 2018 ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu daah-furay August 11, 2018, waxaana xilligaa kadib ay si rasmi ah u guda galeen howlaha uga aadan horumarinta dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here