Sawirro: Ra’iisul wasaare KHAYRE oo gaaray Qatar

kheyre qatar16112019

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey madaxda sare ee dalkaasi.

Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadli doono xaaladda dalka, gaar ahaan fatahaadihii ugu dambeeyey ee ku dhuftya qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Faransiiska iyo Belgium, isagoona ka soo qeyb galay shirka nabadda Paris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here