SEBENKA XUMI WAA BAXAA CEEBTIISUSE MA HADHO JAAMAC IYO SALEEBAAN WAA DANAYSTEEN.

Marka barwaaqada lagu jiro oo nabadgelyada haysto, dadku waa siman yahay oo lama kala garto qof waliba wuxuu ku wanaagsan, masuulka, geesiga, taloqabeenka, deeqsiga iwm. Laakiin waxaa la kala baxaa markii dhibaato timaado nin geesi loo yiqiin baa fulay noqda, mid deeqsi loo yiqiin baa baa dhabcaal isu bedela, nin masuul ahaan jiray baa naftiisa keliya xeriya, taasoo keentay in Soomaalidu ku maahmaahdo «SEBENKA AMA WAQTIGA XUMI WUU DHAMAADAA LAAKIIN CEEBTIISU MA HADHO».

Arintani waxay ku dhacday labadii Isim ee Dhulbahante ugu faca weynaa oo mid walba markii waqtigii adkaaday naftiisii iyo qaraabadiisii meel u xeriyey.

GARAAD SALEEBAAN GARAAD MAXAMED WUXUU XERIYEY NAFTIISII IYO MIDA QOYSKIISA OO MAAMULADA KU KALA JIRA, WUXUU KA DHEX BAXAY DADKIISII WAXAYNA DOORBIDEEN QOLQOL REERO KALE, WAXAANA LAGAGA HADLIYAA MARKA DAN DHULBAHANTE LA SOO HADAL QAADO.

Garaad Jaamac
GARAAD JAAMAC GARAAD CALI WUXUU KAXAYSTAY CALI KHALIIF MARKAY MUDO BAADHANAYEEN DULICII GABDHAHA KHAATUMO HADANA WUXUU U DIRAY SOMALILAND, LAMANA GARANAYO SIDAY CALI IYO GARAADKU HILBIHII AY QABSADEEN.

Gorayo
SI KASTABA HAYSKA AHAATEE LABADII ISIM EE GOBOLADA SSC UGU FACA WEYNAA JIILAAL XUMAA BAA KA ADKAADAY, WAXAYNA NOQDEEN KUWO LOO ISTICMAALO BURBURIN IYO CAQABADAYNTII TALADA BEESHA DHEXDEEDA, WAXAYNA LA MID NOQDEEN GORAYO UKXAAN KU FADHISA.