SHACABKA SSC OO SI WEYN UGA XUMAADAY MADAX-DHAQAMEED SOMALILAND OO GAROOWE HOOSAASIN KA WADA

Garaad Saleebaan

Shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa si weyn uga xumaaday kadib markii ay ka war heleen in qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland iyo qoorweyn la socotaa ay ku sugan yihiin Magaaladda Garoowe, kuwaas oo doonaya inay olole kala furfur iyo hoosaasin ah ku bilaabaan dadaalkii dib u xoreynta ee Gobolka Sool.

Madax-dhaqameedka Reer Somaliland ayaa shalay la shiray Isimo Reer Puntland ah oo uu ka mid yahay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, kuwaas oo ay kala hadleen sidii nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa Puntland iyo Somaliland, iyagoo sheegay inay kalsooni rasmi ah ka haystaan Xukuumadda Somaliland, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay Ciidamadooda ku celiyaan degaanka Gambadhe, halka Isimadda Puntland ay ku adkaysteen inay Oog tagaan.

Shacabka SSC ayaa aaminsan in kooxdan oo ka soo jeeda Jeegaanta ay Garoowe u yimaadeen Waqti lumis ay ku doonayaan inay furfurmaan Ciidamada Puntland, Midnimada shacab iyo kala shaki iyo kala xodxodasho Masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta Puntland, iyadoo Shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ay ugu muuqato in Wadahadalkoodani uu dib u dhigay barnaamijkii xoreynta Gobolka Sool, oo la filayey inuu mar hore bilowdo.

Qolqol joogta iyo Qurbajoogta SSC ayaa xaysimo.com u sheegay inay Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Cali Gaas ay ugu baaqayaan in si loo adkeeyo midnimada iyo isku duubnida shacabka Puntland, islamarkaana aanay u shakiyin Ciidankeena jiida hore, loo baahan yahay in Kooxdan Jeegaantu soo dirtay, isla maanta dib loogu celiyo degaamadoodii, islamarkaana uu xooga saaro sidii uu uga dhabayn lahaa balanqaadkii uu u sameeyey Shacabka Puntland iyo bilaabista xoreynta Gobolka Sool.

Sikastaba hayska ahaatee Odayaashan Reer Hargeysa ayaa la filayaa in gelinka hore ee maanta loo sheego inay degaamadoodii dib ugu laabtaan, mar haddii aanay suurtoobay in la gaadho is afgarad, islamarkaana aan Ciidamada Somaliland dib loogu celinayn degaanka Oog.

Qurbejoog iyo Siyaasiyiin badan ayaa maanta la filayaa inay la xidhiidhaan Masuuliyiinta Puntland iyo Isimada Beesha.

Ergadan Reer Somaliland ayaa ka kooban 10 ku dhowaad qof.