Sheekh caan ah oo lagu diley duleedka Muqdisho

Sheekh Cabdillaahi Sheekh MRooble

Duleedka Magaalada Muqdisho waxa saaka lagu dilay sheekh Cabdillaahi Sheekh Maxamad Rooble.

Marxuumka ayaa da’diisa lagu sheegay 85 sano jira.

Ehelada marxuumka ayaa BBC-da u sheegay in sheekha oo wata gaarigiisa ay ku dhex dileen sedex nin oo watay mooto ama dhugdhugleey meel aan sidaa uga fogeyn tabeelaha sheekh Ibrahim ee wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Sheekha ayaa caan ku ahaa fidinta diinta islaamka, iyadoo si weyn looga yaqaanay gobolada Bay iyo Bakool.

Maydka marxuumka ayaa lagu wadaa in loo qaado degmada Bardaale halkaas oo ay dagantahay dariiqadii uu sheekha u ahaa.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay dilka Sheekh Cabdillaahi Sheekh Maxamad Rooble.