Shiinaha: Xisbiga shuuciga oo soo jeediyay in madaxwaynuhu 2 jeer ka badan xilka sii hayn karo

xi jingping

Xisbiga Shuuciga ah ee haya talada dalka Shiinaha ayaa soo jeediyay in isbedel lagu sameeyo qodob ka mid ah dastuurka dalkaasi.

Isbedelka ayaa waxa uu u ogolaanayaa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa in ay xilka hayn karaan in ka badan laba waqti.

Wakaaladda wararka ee Shiinaha ayaa sheegtay in hindisaha shaaca laga qaaday maanta oo Axad ah.

Waqti xaadirkan hogaamiyayaaha ayaan xilka hayn Karin wax ka badan laba jeer, taasi oo ah laba jeer oo min 5 sano ah .

Madaxwaynaha iminka xilka haya Xi Jinping, ayaa lagu wadaa in uu xilka ka dego 2022.

Balse waxaa jira warar sheegaya in laga yaabo in uu xilka sii hayo maadaama uusan wali soo xulin ciddii badali lahayd.

Mr Xi ayaa intii uu xilka hayay waxa uu xoogga saaray awoodda militariga, waxaana loo arkaa in uu yahay hogaamiye udub dhexaad u ah xisbiga talada haya.

Kulankii sannaddii aanu soo dhaafnay ay yeesheen golaha congreska xisbiga ayaa waxa ay u arkayeen in uu yahay hogaamiyaha ugu awoodda badan tan iyo asaasihii xisbiga Shuuciga Mao Zedong.