Shir looga hadlayay bixitaanka ciidamada AMISOM oo Kampala ka dhacay

shir amisom

Shirkaan oo muddo hal maalin ah soconayay oo ay ka qayb galeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/guuto Maxamed Cali Bariise ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Waxaa sidoo kale shirkaan kasoo qayb galay dhammaan taliyeyaasha Dalalka ciidamada ay ka joogaan dalkeenna Soomaaliya iyo safiirada dalalka Turkiga, Raashiya, iyo diblumaasiyiin ka socday safaaradaha Ingiriiska, Mareekanka, ee Soomaaliya, halka sidoo kale ay goobjoog ahaayeen madax ka socotay Ururka Midowga Yurub,Qaramada Midoobay iyo Midowga afrika.

Shirka ayaa looga hadlay siddii loo bilaabi lahaa bixitaanka ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM, iyaddoo laga dooday siddii loo qorsheyn lahaa ciidanka ugu horeeya ee ka baxaya Soomaaliya iyo meelaha ay ka baxayaan.

Dhamaadka bisha Febaraayo 2020 ayaa lagu heshiiyay in kun askari laga soo saaro Soomaaliya, kuwaas oo noqon doona bilowga bixitaanka ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Sidoo kale shirka ayaa looga hadlay siddii cidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga u bilaabi lahaayeen howlgalo lagu baacsanaayo kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab, loona xoreyn lahaa guud ahaan dalkeenna Soomaaliya.

Shirka ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray siddii taageero buuxda loo siin lahaa ciidanka xoodga dalka Soomaaliya si ay ula wareegaan meelaha laga xoreeyo Nabad diidka Arxanka darran, looguna sameyn lahaa qalabeyn buuxda.

Qaar ka mid ah safiirada iyo diblumaasiyiinta matalaya dalalka Soomaaliya taageera iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa ka warbixiyay dadaalada socda ee dib loogu dhisayo ciidanka xooga dalkeena Soomaaliya oo ay ugu horeyso dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Shirkaan oo ay soo abaabuleen Midowga Afrika ayaa isla maanta lagu soo gabo-gabeeyey magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here