SIYAASIYIIN, CULIMO IYO GANACSATO KU FASHILMAY HAGARDAAMOOYIN AY PUNTLAND U QOOLAYEEN

madaxtooyada puntland

Kooxo huwan ah oo isugu jira Siyaasiyiin qaarkood Musharixiin yihiin, Ganacsatada laamaha ku leh Puntland iyo Somaliland, iyo culimo ayaa ku fashilmay hagardaamooyin ay beryahanba u qoolayeen Puntland.

Kooxahan ayaa la sheegayaa inay in dhowaale ay ku mashquulsanaayeen sidii ay u dhabar-jebin lahaayeen qorshaha difaac ee Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Cali Gaas, sidoo kalena ay Somaliland ugu fududeyn lahaayeen in ay timaado Xuduudka ay sheeganayso oo ah duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Kooxahan ayaa sidoo kale la sheegayaa inay hanti badan ku bixiyeen furfurka Ciidamada Puntland ee Aaga Tukaraq iyo khalkhal gelinta midnimada shacabka Puntland, iyagoo shacabka ku wacyi gelinaya inaan Somaliland Tukaraq soo dhaafayn ee dagaalka la joojiyo.

Kooxahan huwanta ah ayaa la xaqiijinayaa inay xidhiidh wada shaqayneed Hargeysa la lahaayeen, taasoo si fudud u soo shaac baxday kadib markii ay maalin sadexaad si kedis ah u sheegeen inay Somaliland ka soo socoto Ergo nabadraadineed oo isugu jirta Madaxdhaqameed iyo waxgarad kale.

Isku deygoodii ugu horeeyey ayaa fashilmay kadib markii Isimada Puntland ay ergadii Somaliland u cadeeyeen inaan mowqifkooda ku aadan xoreynta Gobolka Sool aanu gorgortan geli doonin.

Ergadan oo qorshahoodu ahaa inay shalay galab Somaliland dib ugu noqdaan, ayaa la sheegayaa in kooxihii la shaqaynayey ay ka codsadeen inay ilaa beri sugaan, inta ay ka quusanayaan rogaal celis iyo isku dayo hor leh oo ay ilaa maanta qaadi doonaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa arinta Gobolka Sool ka qaatay mowqif cad oo aan leexleex lahayn, taasoo caqabad ku noqonaysa dano gaar ah oo dad badani ilaashanayeen.

kooxahan dhabarjebinta iyo hagardaamooyinkii ay ku hawlanaayeen ku fashilmay ayaa la filayaa inay si dhakhso ah u quusan doonaan, iyagoo khatar ugu jira kacdoon dadweyne.