SL: XILDHIBAAN GARAN WAAYEY CIDA GUDOOMIYAHA BAARLAAMAANKA DOORANAYSA

Xildhinaan Saleebaan Yuusuf Cali oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaya Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cirro dabadiis, ayaa u muuqda inay ka khaldan tahay cida Gudoomiyaha Baarlamaanka dooran doonta.

Xildhibaanka oo ay dabada ka riixayaan Wasiiro qaldhabaya oo ay dulsaaranta Seefta isku shaandhayn Madaxweyne Siilaanyo, ayaa halkii laga rabay inuu xiriiro Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayuu ku wareegaalaysanayey qabiil iyo dad shacab ah oo marba TV la soo taago oo odayaal lagaga hadal siiyo (fadlan lacag ku shubo).

Gudoomiyaha Xukuumadu ma magacowdo, Xisbigu ma doorto, qabiil ma bixiyo ee waxaa doorta Xubnaha Golaha Wakiilada, waxaana ku guulaysan doona cidii sharaf iyo karaamo ku leh Golaha dhexdiisa, islamarkaana loo arko inay kaalintaas buuxin karto.

Musharaxiintii kale ee jagadan u tartamaysa ayaan iyagu wax olole qabiil ah gelin, waxayna sugayaan in marka Gudoomiye Cirro Baneeyo jagadan ay xildhibaanada ka loolamaan oo codkooda waydiistaan.

Saleebaan Yuusuf iyo Wasiirada khiikhdu ka sii baxay ayaa maanta sameeyey xaflad balaadhan oo Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye loogu dhoolatusanayo (taasoo markii hoos loo fasilo u muuqanaysa inay xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye ka codsanayaan inay musuqmaasuq iyo maamul xumo ku kacaan).

Soomaalidu waxay ku maahmaahda HAL BOOLI AHI NIRIG XALAAL AH MA DHASHO, masuulka waxaa haboon inuu marka hore ku yimaado doorasho xalaal ah. Xildhibaan Saleebaan waxaa la gudboon inuu aamino waxaa nasiibku ka siiyo saaxiibadiisa Xildhibaanada ah, oo uu ka baxo qabyaalada iyo qabiil abaabulka, marba koox TV la soo taagayo, hana isdejiyo inta Cirro jagada banaynayo.