SOMALILAND: BAASHE CALI JAAMAC OO DIB UGU SOO LAABTAY HADALHAYNTA MAGACAABISTA

baashe cali jaamac3

Magaalada Hargeysa maalmihii ugu dambeeyey waxaa isasoo taraysay hadalhaynta dib u soo celinta Wasiirkii hore ee Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, oo mudo dhowr bilood oo keliya Xilka ka sii maqnaa.

Hadalhaynta Magacaabista Baashe ayaa keentay baahi loo qabo dhowr qodob oo uu fulin karo qof Kaambayner ah, oo aan ahayn siyaasi garan kara ama odorosi kara ficilka loo diray waxa looga jeedo iyo waxa uu ku dambeynayo.

Wasiirka hada xilka haya Xuseen Cabdi Boos ayaa lagu dhaliilayaa nin degan, oo qunyar socod ah, islamarkaana aan ka soo horjeedin rabitaanka shacabka iyo Kaybelka Internetka oo loo arko caqabad dadka ku maran, sidoo kale wuxuu aad uga taxadarsan yahay inuu ku kaco talaabo la mid ah kuwii Baashe Cali Jaamac ku kacay ee MADHALAYSKA ku dambeeyey.

Qodobada aadka Baashe loogu rabo waxaa ka mid ah in Beesha Maxamuud Garaad la ogolaysiiyo wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland, iyo in la kala saaro shacabka iyo Kaybelka Higlada lagu hor joogo.

Hadalhaynta Baashe waxaa kor u sii qaaday raacistii uu bishan bilowgeedii raacay wefti Wasiirka Arimaha Guduhu hogaaminayey, iyadoo Xisbiga Kulmiye u arkay inaan sinaba looga maarmi karin in Baashe la soo celiyo waqtiga ololaha Kulmiye, waxaana raacista ka shaqeeyey xubno si hoose Wasiir Xuseen uga soo horjeeda.

Isku soo wada duubo bisha soo socota bilowgeeda ayaa la filayaa in Xukuumada Somaliland isku shaandhayn iyo Xil ka qaadyo lagu sameeyo.