Somaliland oo ka hadashay nabadeynta Ceel-Afweyn

Saylaci Tukoraq2
SAYLICI OO XUDUUDII EEGAYA IYO GAROOWE

Somaliland ayaa qodobbo hordhac u noqonaya dedaallada loogu jiro nabadaynta deegaannada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag oo colaadi ku dhexmartay beelo halkaasi wada ka dega ka soo saaray deegaannadaas.

Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti oo hoggaaminayo oo ka kooban culimo iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo ku sugan Ceel-Afweyn, ayaa sheegay qodobbo ay ka mid yihiin in aan la ogolayn cid hubaysan oo aan ciidamada dawladda ahayn.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.