SOMALILAND: SHUBAN-BIYOODKU WUXUU MUUJIYEY QABYAALADA BEESHA DHEXE BUUHOODLE MAXAY UGA AAMUSEEN?

madaxda somaliland

Somaliland intii Shuban-Biyoodku ka jiray wuxuu ugu daraa Gobolada SSC, gaar ahaan Buuhoodle iyo degaamada hoos taga, xaalada jiifka iyo soo dhicistu mararka qaarkood waxay dhaafaysay 700 qof.

Magaalada Buuhoodle intii aan Gurmadka Wasaarada Caafimaadku gaadhin maalin waxaa baa la keenay 64 qof, 32 kamid ahi waa dhinteen, taas macnaheedu waa qiyaasta dhimashadu waa 50%, halka qiyaasta dhimashada shuban-biyoodka aduunku tahay 2,8% wixii ka sareeyaana masiibo la xisaabiyo.

Qiyaasta Dhimashada Shuban-biyoodka Somaliland waxaa kicinaya dhimashada ka soo dhacday degaamada Dhulbahante.

Waxaa sharaf, amaan iyo Mahadcelin mudan Hawlwadeenada Wasaarada Caafimaadka oo uu hogaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Saleebaan Jaamac Dirir, kuwaas oo aan awoodooda waxba ka hagran, dadaal dheeraadana muujiyey, sidoo kale shacabka degaamada SSC oo si fiican ula shaqeeyey hawlwadeenada caafimaadka, taasoo sahashay in xanuunkii la xakameeyo oo ilaahna u fududeeyo.

Masuuliyiinta Somaliland, Xisbiyada, Xukuumada midkoodna kama hadlin dareen dhiilo iyo ka xumaansho taaona ma muujin ee waa u dhegooleeyeen.

BURCO IYO QAYLO DHAANTA:

Xanuunku markuu Burco soo gaadhay oo weliba marka la barbardhigo Buuhoodle ay 3 jeer ka hoosayso dhibaatadii ka dhacday, hadana ay isugu tageen shaqaalihii wasaarada oo dhami, hayadihii Beesha Caalamka, Wasiirkii Caafimaadkuna mudo Burco dhexdeeda heegan ku ahaa, ayaa waxaa qaylo bilaabay dhamaan Masuuliyiinta Somaliland, Xisbiyada, Xukuumadaba ee Beesha Dhexe (Isaaq) ka soo jeedo.

Xiligan qayladu bilaabantay, Saraakiisha Caafimaadku waxay sheegeen inay xiligan ku jiraan waqtigii ugu wanaagsanaa, marka loo eego dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ee ay dagaalka ku jireen Shubanka.

Taasi waxay ku tusinaysaa in Dhibaatadii shuban-Biyoodku Buuhoodle u geystay ay uga aamuseen waa Dhulbahante, oo aanay aaminsanayn dad walaalahood ah oo Somaliland ah, halka Burcona ay ugu qaylinayaan waa Isaaq.

Arintani maaha markii ugu horeysay ee horey markay Abaartu ku dhacdo degaamada SSC ma hadlaan, laakiin markay degaanka Isaaqa soo gaadho ayey maca kuwa wadaadada ahi qaylada bilaabaan, oo yiraahdaan Somaliland aBAAR BAA KU HABSATAY.

WASIIRUDAWLAHA CAAFIMAADKA oo ah wiil Odaygu adeer u yahay, oo iska dhigayey inuu Ictiraaf ku maqnaa, Masar wuxuu u aaday siminaar loogu talo galay shaqaalaha hoose, oo hawlwadeenadii loogu talo galay ay ka doorteen inay gurmadka ka qayb galaan, hadalkiisiina wuxuu ahaa goolaaftan Xaglotoosiye.

XISBIYADA:

GUDOOMIYAHA UCID, FAYSAL CALI WARAABE OO SOOMAALIDA BADANKEEDU U TAQAAN QABYAALI AYAA AH MASUULKU UGU QABYAALADA YAR MARKA LA QIIMEEYO FICILADOODA, IYO SIDA UU UGA HADLO DHIBAATOOYINKA GOBOLADA BARRI.

Sikastaba hayska ahaatee Somaliland waxaa isu aaminsan Beesha dhexe, shuban-biyoodka iyo Qaylada Burcona waxay banaanka soo dhigaysaa qabyaalada qaawan ee Beesha Dhexe ugu kala duwn yihiin Burco iyo Buuhoodle.