SOMALILAND: YAA CUNAY LACAGTII DHAAM BIYOODKII FALEEDHYAALE

Xuseen, aadan iyo Baashe

Waxaa shalay Magaalada Hargeysa yimid ninka lagu maacaabo Aadanka Hawada oo ah Qaadwale ka soo jeeda degaamada SSC oo ku nool cariga Ingiriiska, waxaana soo dhoweeyey koox la mid noqotay Barbaartii Gaashaaman ee Muqdisho caanka ku ah.

Aadan oo saxaafad loo sii ururiyey la hadlay ayaa iska dhigay nin Somaliland ku cusub, wax taray, mujaahid ah, laakiin shalay may ahayn markii ugu horeysay ee uu Somaliland yimaado.

Sanadkii Hore ayuu yimid, islamarkiiba wuxuu galagalaystay Wasiirkii Khayraadka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, wuxuuna ka dhamaystay mashruuc Dhaam biyood loogu talogalay in degaanka faleedhyaale laga qodo, oo lacagtiisu ku kacaysay in ka badan 100 000 dollar Maraykanka.

Lacagtaas 50% waxaa u saxeexay Baashe Cali Jaamac, shaqadii loogu talo galay kuma uu qaban ee iyadoo kaash ah ayuu la dhoofay, taas oo keentay inay Baashe Isku dhacaan, kadibna wuxuu ku biiray ololihii Baashe Xilka lagaga qaadayey, isagoo u ololeeyasha Wasiirka Hada Wasaarada Khayraadka Biyaha Hayta Xuseen Cabdi boos oo ah Saaxiibkiis ay qaadka ka wada ganacsan jireen.

Ololahan oo muqawadiintu ku guulaysteen ayaa lagu xamanayey in looga golleeyahay in mudada yar ee Xukuumada u hadhay Mashaariicda Wasaarada ka socota si weyn loogaga xoogsado.

50% hadhsanaa ee ay ahayd in marka shaqadu gebagebo tahay oo laga soo eego la bixiyo waxaa la sheegayaa inuu u saxeexay Wasiir Xuseen Cabdi Boos, arintaas oo haday jirto meel ka dhac weyn ku ah Maamulka, Wasiirka dhowr jeer oo aan la xidhiidhnay kama jawaabin, mana beenin.

Si ay qortay goojacade.com, Aadan lacagtii loogu talogalay in dadka dhibaataysan biyo loou qodo, qaar ka mid ah wuxuu ku iibsaday 2 gaadhi oo tikniko ah si uu ugu caagleysto, wuu qalqaashaday balanqaadyona waa helay.

Waxaa xusid mudan shalay dadkii soo dhoweeyey waxaa horkacay, saaxiibkiisii ay qaadwalaha wada ahaayeen oo hada Wasiir ka ah Wasaarada Khayraadka Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Boos, oo intii uu wasaarada joogay dagaal ugu jiray Wakaaladaha Biyaha ee Sool iyo Berbera kuwaas oo Madaxweyne Siilaanyo ka badbaadiyey.

Waxaa la yaab leh in ninkii looga fadhiyey inuu dhuunto, oo xishooda, uu banaanka isa soo dhigo oo la soo dhoweeyo, oo weliba uu saxaafada ka hadlo.

Arintani waxay xaqiijinaysaa Musuqmaasuqa Baahsan ee shacabka Somaliland ay Xukuumada ku eedaynayaan.

BAL DAAWO NINKII LOO TIRINAYEY DHAAM-BIYOODKII FALEEDHYAALE OO LA SOO DHOWEYNAYO IYO ISAGII OO FARAXSAN:

Xigasho goojacade.com