SOOMAALIYA OO KA QAYB-GASHAY SHIRKA CAALAMIGA AH EE ISGAADHSIINTA CAALAMKA

boostada cabdi cashuur xasan

Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka qeyb gashay shirweynaha caalamiga ah ee hay’adaha isgaadhsiinta caalamka oo ka socda magaalada Geneva 9ka illaa 12ka bishan. Shirweynahan ayaa sanadkan waxaa diiradda lagu saari doonaa sida teknoolojiyada ay saameyn ugu yeelatay nolol-maalmeedka iyo sidii loo baahin lahaa sharciyada arrimahaas la xidhiidha si loola socdo isbeddellada ay la imanayso teknoolojiyada.

Shirweynahan wuxuu isku keenaa hay’adaha isgaadhsiinta adduunka, iyagoo halkaas isku weydaarsada aragtidooda iyo waaya-aragnimadooda, waana madal ay ku wada hadlaan qeybaha kala duwan ee isgaadhsiinta ee isugu jira dadka dajiya siyaasadda, shirkadaha iyo daneeyeyaasha kale ee isgaadhsiinta.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyada Somalia Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayna mid yihiin mas’uuliyiinta maamulka iyo Guddiga sare ee Hay’adda Isgaadhsiinta Qaranka, ayaa shirkaas ka qeyb galay, iyagoo maalintii koowaad halkaas kula kulmay mas’uuliyiin ka socotay Midowga Isgaadhsiinta Caalmaiga ah (ITU), Bankiga Adduunka iyo shirkado iyo dalal kala duwan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in munaasabaddan ay fursad qaali ah u tahay Hay’adda Isgaadhsiinta Somalia oo la doonayo inay wax badan ka barato waayo-aragnimada hay’adaha dalalka kale, maadaama wixii hadda ka horreeyay Wasaaraddu ay ahayd cidda kaliya ee dalka ku matali jirtay dhammaan shirarka isgaadhsiinta adduunka.