Taliyaha Ciidamada Somaliland oo Puntland ku eedeeyey dagaalka Tukaraq ka socda

nuux Taani

Taliyaha Ciidanka Milateriga Somaliland Gen.Nuux Taani ayaa xaqiijiyey in dagaal lagu soo qaaday ciidamadiisa aroornimadii hore ee saaka ilaa haddana uu socdo.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in duulaanka ama dagaalka ay ku soo qaadey Puntland oo uu ku eedeeyey in ay maalmihii ugu dambeeyey waday abaabul ciidan, wuxuuna ka gaabsaday inuu bixiyo faahfaahin dheeraada oo ku saabsan xaalada iyo khasaaraha.

Nuux Taani oo la hadlayey daqiiqadihii ugu dambeeyey ee Idaacada BBC-da ayaa sheegay in ay Somaliland iska difaacayso weerarka uu sheegay in uu kaga yimi dhanka Puntland.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa iyaguna dhankooda ka gaabsaday dagaalkan socda, waxayse xaqiijiyeen jiritaanka dagaalkan oo goor hore oo saaka ahayd qarxay.