Trump: “Meel walba oo ay tagto way xumaataa, Soomaaliya ayay ka bilowday”

safiirka usa ukraine

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku weeraray safiirkii hore ee Mareykanka ee dalka Ukraine, Marie Yovanovitch, iyadoo ay socoto dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista.

“Meel walba oo ay Marie Yovanovitch aadday way xumaatay,” Mr Trump ayaa sidaasi qoray. “Waxay ka bilowday Somalia, sidee ayay taasi noqotay?”

Mar arrintaasi wax laga weydiiyay, ayay Ms Yovanovitch ugu yeertay “mid hanjabaad ah”.

Mr Trump ayaa mar kale soo jawaabay, isagoo ku doodaya in qoraalladiisa aysan ahayn kuwo hanjabaad ah.

Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu daawaday qeyb ka mid ah dhegeysiga caddeymaha, isla markaana uu u arko mid sharaf dhac ah.

Maxaa ka dhacay goobta dhegeysiga?

Iyadoo si toos ah ugu jawaabeysa qoraalka Twitterka ee Mr Trump, oo u muuqday mid iyada lagu cambaareynayo inay qas ka abuurtay Somalia, ayay Ms Yovanovitch ku jawaabtay: “Uma maleynayo inaan leeyahay awood noocaas ah, kuma lihi Mogadishu iyo Somalia iyo meel kaleba.

“Waxaan run ahaantii u maleynayaa in meelaha aan ka soo shaqeeyay sanadaha badan aniga iyo dadka kaleba ay ka dhigeen meel walaagsan, waad ogtahay, gudaha Mareykanka iyo sidoo kale dalalka kale ee aan ka soo shaqeeyay.

Jawaabteeda ayaa si toos ah telefishinnada looga baahiyay.

Adam Schiff, oo ah madaxa Guddiga Sirdoonka ee Dimuqraaddiyiinta ee korjoogtada ka ah dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista, ayaa sheegay in qoraallada Twitter-ka ee madaxweynaha ay u muuqdaan kuwo loogu hanjabayo marqaatiga.

Muxuu ku saabsan yahay dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista?

Dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista ayaa lagu baarayaa haddii madaxweyne Trump uu joojiyay gargaar milatari oo uu Mareykanka siin lahaa Ukraine si uu cadaadis ugu saaro madaxweynaha cusub ee dalkaa inuu baaritaan musuqmaasuq ku bilaabo imadaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden, oo haatan ah musharrax dooarshada Mareykanka.

Mr Trump ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay, isagoo xil ka qaadista ku tilmaamay “mid lagu dhibaateynayo madaxtinnimadiisa”.

Ms Yovanovitch oo fadhigeedu ahaa magaalada Kyiv ayaa shaqada laga cayriyay bishii May, labo bilood kahor markii uu soo ifbaxay wada sheekeysigii telefoonka ku dhex maray Trump iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, kaasoo haatan udub dhexaad u ah caddeymaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here