Video iyo Sawiro Ciidankii ugu badnaa ee Beesha Cilmi Naalaye Dhulbahante oo Puntland la wareegtay

cilmi naalaye wareejin6

Ciidankii ugu badnaa oo ka yimaada Beesha Cilmi Naalaye ee Dhulbahante ayaa waxaa la wareegtay Maamulka Puntland.

Ciidankan oo ah mid si culus u qalabaysan ayaa wuxuu ku gaashaaman yahay gaadiidka dagaal, qoryaha darandooriga u dhaca ee loo yaqaan BKM ama badhdalool iyo kuwa garbaha laga tuuro, ayaa waxaa la wareegistiisa ka qayb galay Wasiiro, xildhibaano, saraakiil iyo Masuuliyiin kala duwan.

Ciidankan waxaa diyaariyey oo hogaaminaya Mudane Mubaarak Maxamed Warsame, oo si lama filaan ah mudo yar ugu diyaariyey.

Ciidankan ayaa saacadaha soo socda lagu sameyn doonaa diiwaangelin Ciidan oo rasmi ah, iyadoo laga qaadi doono sawiro aqoonsi.

Ciidankan Beesha Cilmi Naalaye ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyey dadka degaanka, iyagoo ruxayey Caleemo qoyan oo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan iyo sida ay ugu faraxsan yihiin.

DAAWO VIDEO IYO SAWIRO:

cilmi naalaye wareejin1cilmi naalaye wareejin2cilmi naalaye wareejin4cilmi naalaye wareejin5cilmi naalaye wareejin3cilmi naalaye wareejin6cilmi naalaye wareejin7cilmi naalaye wareejin8