Warsaxaafadeed Mooshinkii Madaxweyne Xasan Sheekh oo la laalay

War uu soo saaray Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa lagu sheegay in la laalay jiritaanka mooshinkii xildhibaanada qaarkood kasoo gudbiyeen Madaxweynaha 12-kii bishii Agoosto.

Go’aanka uu soo saaray Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wuxuu ku faah faahiyay marxaladihii u danbeeyay ee mooshinkaan iyo wada hadalo dhex maray Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada oo isla ogolaaday in loo gudbo wada hadal.

Guddoomiye Jawaari ayaa warsaxaafadeedkaan ku sheegay in kulan loo wada dhan yahay oo ka dhici doono xarunta baarlamaanka 7-Oktoobar, kaasoo ay kasoo qeybgeli doonaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo xildhibaanada si loo xaliyo arrimaha mooshinkan.

AKHRISO WARSAXAAFADEEDKII

mooshin-goaan-1mooshin-goaan-2