WASIIR RAAF OO BUUHOODLE KU TUUN-TUUNSADAY IYO WADAHADAL U FURMAY SOMALILAND

Cabdirashiid Qambi2

Waxaa muuqata inuu jabay xaydaankii u dhexeeyey Gobolka Cayn iyo Somaliland, kadib markii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u quus gooyey Wasiir hore Saleebaan Xaglotoosiye, islamarkaana u magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi.

Cabdirashiid ayaa shalay Buuhoodle gaadhay, xili ay degaanka si hawli ah uga socoto ururinta ciidamo kala duwan oo Puntland iyo Federalka ah, iyadoo shacabka degaanku ay weyn u soo dhoweeyeen Wasiir Qambi.

Ujeedada socdaalka Wasiirka ayaa u muuqda inuu dhabarjebiyo ciidan urursiga Puntland iyo in la bilaabo wadahadal dhexmara reer Buuhoodle iyo Madaxweyne Muuse Biixi, iyadoo la xaqiijinayo in Madaxweynuhu la xidhiidhay qaar ka mid ah odayaasha degaanka.

Sikastaba hayska ahaatee Wasiir Raaf ayaa la filayaa inuu ku tuuntuunsado Goboolka Cayn, halka dhinaca Gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo Puntland ay far dhaqaajin la yihiin Wasiiro degaankaas ka soo jeeda oo loo bixiyey Wasiirada ku xumaynta u codeyntii Waddani, kuwaas oo ku hungoobay inay wax taageero ah ka keenaan degaamadaas.
saleebaan faratoon
DAAWO SOO DHOWEYNTII WASIIR CABDIRASHIID D QAMBI: