WASIIRKA ARIMAHA GUDUHU SHACABKA HAKA RAALIGELIYO HADALKII GEBILAY HANA ISCASILO

Faratoon
Sawir hore

Waxaa muuqata in xantii shacabka iyo hadaaqii Siyaasiyiinta ee ahaa inuu lumay hogaankii Somaliland uu soo rumoomayo, waayo hadduu jirto hogaan iyo xisaabtan laga baqayaa Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Yaasiin Faratoon) intuu fagaaraha Gebilay isasoo taago kuma khudbadeeyeen oo faan kama dhigeen Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Itoobiyaa Wadata, ma yidhaahdeen doorasho looma baahna ee Xilka Muuse Biixi ha lagu wareejiyo, dimoqraadiyadii, cadaaladii iyo horumarkii Somaliland shacabka hortiisa kuma uu jeesjeeseen.

26 sano Xamar waxay u degi weyday hebel dawlad hebla ayaa wadata ama taageersan, taasoo keenta in shacabku masuulka kalsoonida kala laabto oo uu u qaato qof shisheeye u adeegaya oo aan dantooda wadin, waxaa ayaandaro ah in Wasiirkii Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Faratoon uu taariikhda markii ugu horeysay shacabka hortiisa ka sheego in Muuse Biixi Itoobiya taageersan.

Haddii taariikhda dib loo raaco, Somaliland nabadgelyadeeda geed hoostiis bay ka soo bilowday, iyadoo aan cidina ka taageerin oo rabitaankeeda ku socota, dhismaheeda sidoo kale, doorashada hogaamiyaasheeda sidoo kale, dimoqraadiyadeeda la mid, waxaa wax laga naxo ah 26 sano kadib in Wasiir Arimaha Guduhu Fagaare ka sheego hebel dal kale ayaa taageersan, taas macnaheedu waxay la mid tahay haddii berito Muuse Guuleysto rabitaanka shacabka kuma imaan, hadana cod kama rabo, waana foolxumo Somaliland ku cusub, weligeedna arintan oo kale laguma faanin.

Wasiirka Faratoon oo hadalkiisii sii wataa wuxuu yidhi Gebilay doorashada looma baahna qarashkeeda ee Muuse Biixi Xilka halagu wareejiyo, ilayn dadkiiba waaka halkan isugu soo baxaye.

Waxaa Murugo iyo khasaare u sugnaatay, shacabkii iyagoo abaari ku habsatay oo dadkii iyo xoolihiiba dhimanayaan Isdiiwaangeliyey, kuwii iyagoo haraadan safka isutaagay goobaha diiwaangelin si ay horumar iyo isbedel u dhaliyaan, kuwii baadiya deganaa ee tobanaanka kiilomitir u soo lugeeyey goobta Diiwaangelinta, kuwii xuduudka ka gudubsanaa ee baabuurta u soo raacay inay Isdiiwaangeliyaan ee xoolahoodii iyo dantoodii soo dayacay, dhalinyaradii habeen iyo maalin heeganka u ahaa inay suurtageliyaan inay dadku helaan adeega Isdiiwaangeliyaan ee goobaha iyo qalabka dushiisa fadhiyey iyagoo aan haysan dhaqaale ku filan, dadkii, siyaasiyiintii, xisbiyadii iyo waxgaradkii juhdiga geliyey in shacabku Isdiiwaangeliyo oo Somaliland Dimoqraadiyad dhamaystirani ka hirgasho, Maalaayiinkii Doollar ee Canshuurtii shacabka danyarta ah laga soo ururiyey ee diiwaangelinta loo isticmaalay, mar hadii Wasiirkii Arimaha Gudaha ee ay sida gaarka ah masuuliyadu uga saarnayd in goob walba oo Somaliland ka tirsan ay doorasho xor oo xalaal ahi ka dhacto si nabadgelyo ah uu leeyahay doorasho looma baahnee aan hebel xilka ku wareejino, waana arin xadgudub ku ah amigoodii, himiladoodii iyo hiigsigiida.

Waxaa wax walba ka sii daran Musharax Muuse Biixi oo goobta fadhiyey oo aan raaligelin ah ka bixinin, iyadoo laga sugayey inuu yidhaahdo anigu rabitaanka dadkayga ayaa xilka ku rabaa, ka darane wuu ku sii raaxaysanayey, waxaa iyana fajiciso ah in Xukuumadii iyo Madaxweynihii ka jawaabi waayaan.

Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Yaasiin Faratoon) waxaa ka maqan in nabadgelyada, Dimoqraadiyada iyo Doorashada Madaxweynaha ay yihiin Rabitaanka shacabka Somaliland ka yimid, tacab badanina ka soo galay, khaladka keliya oo soo kordhayna uu yahay Masuuliyada ay kugu aamineen.

Hadaba mar haddii Madaxweynihii Somaliland ee dadku doortay gefkaad shacabka Somaliland ka gashay shaqada kaaga qaadi waayey, haddii Muse Biixi iyo Xisbigi Kulmiye dadkii kaa raaligelin waayeen, hadaad muujisay inaan Xukuumadu diyaar u ahayn in doorashadu qabsoonto mustaqbalka oo xiiso iyo ahmiyad badan u hayn, Haddii Xildhibaanadii Baarlamaanka Somaliland kuu yeedhi waayeen oo kalsoonida kaala noqon waayeen, waxaa haboon inaad adigu is garato oo shacabka Somaliland ka raaligelisid hadalkii gefka ku ahaa Dimoqraadiyada, nabadgelyada iyo horumarkooda, ISKANA CASISHID xilka balaadhan ee aad umada u haysid si loogu dhiibo masuul dhexdhexaad ah oo aaminsan in Nabadgelyada iyo Dimoqraadiyadu ay tahay udub dhexaadka jiritaanka Somaliland, dawlado shisheeye waxba u laqimin.

DAAWO FARATOON WAXAA KUU MUUQANAYSA JEESJEESKA IYO SIDA AY UGU FUDUDAHAY DOORASHADU AMA HAMIGII SHACABKA UGU CIYAARAYO: