SOMALILAND: WASIIRO XILALKOODII DUULAAN KU AH IYO SABABTA KU KALIFTAY

Faratoon iyo Xuseen

Nidamka 4.5 waa nidaam wax qaybsi oo qabiil ku salaysan oo si weyn uga jira dawlada Federalka Somaliya, arintani maaha mid ku kooban Federalka oo keliya ee waxay ku baahday Geeska Africa oo dhan.

Somaliland laftigeeda inkastoo ay gaadhay dimoqraadiyad qof iyo cod ku salaysan, hadana tixgelinta sad qaybsiga beeluhu waa mid aan layska indha tiri karin, waana tan keenta in la dhiso xukuumad balaadhan.

HADABA waxaa beryahan dambe magaalada Hargeysa ka bilowday ololaha kursiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo aan weli banaanaan, kaas oo xubnaha u tartamayaa u badan yihiin kuwo ka soo jeeda degaamada SSC.

Inkastoo Xukuumada Somaliland ku doodo inay dimoqraadiyad heer sare ah gaadheen oo golayaasheedu kala madaxbanaan yihiin, oo aanay is faragelin, hadana waxaa Ololahan si badheedh ah ugu muuqday xubno ka tirsan Xukuumada, tusaale ahaan Wasiirkii dhamaa ee Arimaha Gudaha ee laga sugayey inuu ilaaliyo amaanka iyo dhexdhexaadnimada xiliga doorashooyinka, Wasiirka Khayraadka Biyaha Xuseen Cabdi Boos, oo isagu goobta ka qirtay in degaanka uu ka soo jeedaa aad u balaadhan yahay oo aanu ku wada filaan karin sidaasdarteed loo baahnaa in cid kale lagu soo daro (taas oo u muuqata inuu u jeedo Gobolka Sool), sidoo kale waxaa isna ku dhex milmay Wasiirka gaashaandhiga Oday Cadami oo ahaa nin aan laga filayn inuu koox yar oo gaar ah, oo magac qoys hoose tuurka ku sidata la safto.

HADABA MAXAA DHICI KARA HADDII SALEEBAAN YUUSUF KU GUULAYSTO GUDOOMIYAHA WAKIILADA SOMALILAND.

Haddii Xildhibaan Saleebaan Yuusuf ku guulaysto Gudoomiyaha Golaha Wakiilada waxaa xukuumada Somaliland waajib ku ah inay dib u qaabayso nidaamkeedii ay ku ilaalin jirtay saami-qaybsiga beelaha dhexdooda.

Saleebaan iyo Xuseen waxay isku yihiin Maxamuud Barri, markaas jagadan sare ee u soo korodhay waxay keeni kartaa in Xuseen Cabdi Boos meesha ka baxo oo ay Wasiirudawle helaan, halka Yaasiin Faratoon oo Maxamuud Garaad la ahna ay u dhowdahay inuu waayo Wasiirka Arimaha Gudaha oo loogu bedelo mid ka mid ah Wasaaradaha Ganacsiga, Kaluumaysiga, Dalxiiska, Boostada iwm.

Durba waxaa suuqyada soo gashay in Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Gobalada Bariga Somaliland Cabdirashiid Xuseen Cabdulle (Gargaar) uu ku haboon yahay Wasaarada Arimaha Gudaha, maadaama Maxamuud Garaad jeclysteen Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Cabdirashiid Gargaar

Sikastaba hayska ahaatee sababta falka iyo ficilada Wasiiradan ayaa loo tirinayaa inay sal u tahay odoros xumo iyo saadaalin la’aan ku habsatay ama khibrad yaraan siyaasadeed, taas oo keentay inay laantii ay ku fadhiyeen salka ka jaraan, wxayna ku dambeyn doonaan inay dhulka ku dhacaan.