XAAJI: TAAGEERADA BAASHE C JAAMAC TIXGELIN MA MUDNA RAAGELINA WAAN KA BIXINAYAA

XAAJI IYO BAASHE

Lataliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ee Gobolada Barri Maxamed Maxamuud Cali (Xaaji Jeeni Yare), ayaa raaligelin ka bixiyey taageero uu Wasiirkii hore ee Khayraadka Biyaha Somaliland u muujiyey Xildhibaan Saleebaan Yuusuf oo doonaya inuu u tartamo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro dabadiis.

Xaaji ayaa yidhi “Taageerada waqtigan ee Baashe Cali Jaamac bixiyaa qadirin iyo wax ka soo qaad ma mudna, waxaana ka raaligelinayaa intii ka xumaatay, iyo musharaxiinta kale ee u tartamaya jagada Gudoomiyenimo, shacabka iyo Xildhibaanada Somaliland waxaan ka codsanayaa inay ila gartaan oo aanay hadal Baashe u qaadan wax beeli ka tashatay oo isla garatay”.

Xaaji ayaa hadalkiisa ku daray “Ninka uu mujaahidka ku sheegay waa kuwii Somaliland laga xoreeyey, dhismaha Somalilandna kama qayb qaadan, intuu joogayna xildhibaanada Isxambaarka iyo wax la mid ah ayuu ka ahaa, oo iyaduu ku dul noolaa, markaa Baashe mujaahidnimada ma wuxuu ku bixiyey BUUHOODLE FARAGELIN HA LAGU SAMEEYO, MISE COLAADII TALEEX?”

JEENI-YARE ayaa Baashe ku tilmaamay nin aan siyaasada qadan ku lahayn, markiibana xukuumada ama xisbiga uu ka tirsan yahay ay isku dhacaan, isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yidhi “Hadaad taariikh Baashe Cali Jaamac dib u eegto waxaa kuu soo baxaysa qadan xumada mudadii uu siyaasadeed ku soo jiray, Xukuumadii Cabdiraxmaan Tuur wuxuu kaga tegay dhowr bilood, tii Cigaalna bilo, weligiis waqtigii ugu badnaa ee uu xukuumad ku jiro waa tan Madaxweyne Siilaanyo oo si kastaba ula tacaalay inuu golaha ku jiro 2 sano oo dulqaad ah iyo ixtiraamka beesha u hayey darteed, Aniga iyo Beeshuba waxaan Madaxweynaha uga Mahadnaqaynaa sidii qiimaha iyo maamuuska mudnay ee uu Baashe ugu dadaalay mudadii uu golaha ku hayey, waana milgo taariikhda ugu qoran”.

XAAJI oo ka hadlaya waxqabadka Baashe ayaa sheegay in wax badan oo reer Somaliland u yaqaaniin inuu qabtay ay tahay hawl dad kale qabteen oo uu ka xaday, wuxuuna yidhi ¬ęTusaale ahaan Reer Somaliland waxay u haystaan in Baashe Cali Jaamac uu hirgeliyey Shirarkii AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE, xaqiiqduna waxay tahay haddii taladii Baashe iyo Saleebaan la raacayo goobta ayaa laysku dili lahaa, shirna ma dheceen, hawsha rag kale ayaa hirgeliyey oo dadkii kala badbaadiyey, soona jeediyey in shirka labaad Adhicadeeye lagu qabto, laakiin waxqabadkii dadka oo dhan waxaa sheegtay Baashe, Miyaanay tuugo iyo bililiqo ahayn.

Waxa keliya ee Baashe qabtay waxaa la odhan karaa inay tahay wixii dadku ka soo shaqeeyeen oo uu baabiiyey, taas oo keentay in dad aan u qalmini ku fadhiistaan kuraastii Beeshaa, lana khasaareeyo waxqabadkii madaxweynaha iyo dadaalkii uu ka waday degaamada SSC, iyadoo ammaan xumada maanta Sool ka taagan iyo socon waaga heshiisyadii aw ka mid yihiin midhihii Baashe.

LATALIYA ayaa hadalkiisii ku soo gebagebeeyey raaligelin uu REER BUUHOODLE si gaar uga raaligelinayo mujaahidnimada uu Baashe ku bixiyey FARAGELIN HA LAGU SAMEEYO BUUHOODLE, SIDOO KALE WUXUU XILDHIBAANADA SOMALILAND UGU BAAQAY INAY GUTAAN WAAJIBAADKA KA SAARAN XULASHADA GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA OO AANAY KU KHALDAMIN SAWIRADA IYO HADALADA TV-YADA LAGA SII DEYNAYO OO AH ARIMO GACAN KU RIMIS AH BEESHUNA AANAY KU WADA SOCON.

DAAWO TAAGEERADII BAASHE CALI JAAMAC: