XALKA CEEL-AFWEYN MUU DHAAFI WAAYAY GOLE DHAQAN IYO BALAN IYO DHAAR?

ceelafweyn

Hordhac

“Cudurka kaa gala fardaha, Hadii laga gubo dameer, Dawada lama gaadayee “

Xukuumadihii ka dhashay xisbiga muxaafidka ee kulmiye waxay xal iyo maare ka weyn u waayeen diyaarinta iyo isku dubaridka Gole dhaqan oo xalkaa ku hela habeen dhax xalkuna uu noqdo balan iyo dhaar aan sii jirin muddo dheer colaada dhextaal labada beelood ee walaalaha ah ee ceel-afweyn.
Maantana waxay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay mudane muuse biixi cabdi xal mooday diyaarinta iyo dirista tiro erday oo gaadhaya 66 qof waxayse iswaydiin mudan.

1. Ergaydu ma waxay hayaan wax ka weyn dhaar iyo kitaabka quraanka?

2. Ma waxaa la dhaarin doonaa odayaal cusub oo aan ahayn kuwii hore loo dhaarshay?

Xal iyo maare u noqon mayso dhaarinta odayaasha labada beelood ilaa inta aan gacanta lagu dhigin dambiilayaasha abaabulaha ama kiciya labada beelood ee walaalaha ah iyo inta la jarayo marinada maleeshiyo beeleedyada ay u soo maraan taakulaymaha rasaasta, qoriga iyo Saadka.

Waa maxay xalka dagaal beeloodka ceel-Afweyn?

Si loo gaadho xal iyo amni waara kaas oo xukuumadu ay muujinayso doorkii dawladeed waa in la sameeyaa talaabooyinkan
1. Gudi Baadhis
2. DIB U HESHIISIIN
3. FULINTA QODOBADA KA SOO BAXA DIB U HESHIISSINTA
Gudi Baadhis
Gudigani waa gudi baadhis sidoo kalana waa inay noqdaan shakhsiyaad ku xeel dheer arimaha baadhista waxayna jawaabo u raadin doonaan su,aalahan

1. Siday ku bilaabmayn tahay colaadu ?
2. Shakhsiyaadkee ayay ka bilaabman tahay ?
3. Muddo intee leeg ayay socotay ?
4. Ma jirtaa cid ku lug leh colaadan ?
5. Waa maxay sababaha soo celceliyay ?

Markii xogtaa la helo waxay mari doontaa falanqeyn iyo lafogurid natiijada ka soo baxda lafoguridaa waxay noqon doontaa mid muujisa ama daaha ka qaada sababta dagaalka iyo cida ka danbaysa ama hurinaysa.

Dib u Heshiisiin

Gudida Golaha dhaqanku waxay noqon doonaan kuwo ka hawl gala sidii labada beelood ee walaalaha loo heshiisin lahaa, sidoo kalana shirkaa ka soo saara qodobo wax ku ool ah, qodobadaas oo dhiiri galinaya nabada, wadajirka iyo wada noolaanshaha labada beelood ee walaalaha.

Fulinta Qodobada Heshiiska

Xukuumada ayaa u xilsaaran ilaalinta amniga guud ee dalka iyo midka gudaha iyadoo adeegsanaysa hay,addaha amniga waana waajib saaran xukuumada inay ilaaliyo muwaadinteeda kana ilaaliyo wax kaste oo halis galin kara naftooda.

Sidoo kale xukuumada waxaa saaran kor kala socodka fulinta qodobada heshiiska ka soo baxay iyadoo u adeegsanaysa hay,addaha amniga , waxayna ka ilaalin doontaa shakhsiyaadka abaabulaya ama jabiya qodobada heshiiskaa

Gabo gabo:

Maqaalkani maaha mid aan uga gonleeyahay kicin iyo baraarujinta colaadeed laakiin waa mid aan uga gon leeyahay ama aan kaga qayb qaadanayo xal u raadinta dagaalka labada beelood Anoo ku hanweyn in bulshada reer Somaliland guud ahaanteed noqoto mid wada jirta oo ka fogaata dhamaan wax yaabaha kala qaybin kara.

Contact
Abdirahman Jacob Hassam
Security Analyzer
+252-63-4807177
Jacobhassam@gmail.com