Xisbiga Waddani oo Madaxweyne Muuse ugu hambalyeey guulaha sugida xuduuda iyo Raasiga Berbera

xoghayaha guud wadani uurcade5

Xoghayaha Guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu hambalyeeyey guusha uu ka gaaray xuduudaha Bariga Somaliland iyo joojinta boobkii lagu sameeyey raasiga Berbera.

Uurcade ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu mudadii yarayd ee uu talada hayey uu qaaday labo talaabo oo guul weyn u ah umada Somaliland kuwaas oo uu ku sheegay sugida xuduuda iyo soo celinta Raasiga Berbera.

Xoghayaha ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu dib u fiiriyo saldhiga milateri ee Berbera oo uu sheegay inaan sifo sharciga waafaqsan loo marin, si qoto dheerna looga fekerin.

NO COMMENTS