Xoghayaha Guud ee Waddani waxba kama jiraan ku tilmaamay goaan ka soo baxay koox falaago ah oo Cirro horkacayo

uurcade xoghayaha wadani

Xoghayaha Guud ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay goaan ka soo baxay koox falaago ah oo sharcigii Xisbiyada iyo qarankaba baal martay, kuwaas Cabdiraxmaan Cirro horkacayo, iyagoo sheegay inay Xilkii ka qaadeen Xoghayaha Guud.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in kooxdan iyo Cirroba Xisbigu goaan ka gaari doono, Cirrona uu ku badbaaday musuqmaasuq badan oo uu dalkan ka geystay balse tani ay tahay kadabkii ugu dambeeyey.

CIRRO WUXUU QARRANKAN KU GEFAY MAALINTII UU IGU MAXAAD RAIISAWASAARAHA SOOMAALIA KHAYRE OO YIDHI SOMALILAND HESHIIS MA GELI KARTO IGU YIDHI MAXAAD UGU JAWAABTAY, IYADOO UMADDA SOMALILAND MARKHAATI KA AHAYD INUU CIRRO IGA DABA HADLAY, BUUBAANA SHEEGAY IN JAWAABTA AAN KHAYRE KU IDHI NAMA XUKUNTUID IN LAYGU ABAALMARIN DOONO.

WAXAAN TAAGEERAYAASHA XISBIGA WADDANI IYO SHACABKA SOMALILAND UGU BAAQAYAAN INAY SUGAAN GOAANKA XISBIGU KA SOO SAARI DOONO KOOXDA XISBIGA KA FALAAGOWDAY EE CABDIRAXMAAN CIRRO GADHWADEENKA KA YAHAY.

NO COMMENTS