3 Arrimood oo Kenya ka hor istaagaya inay Xirto xeryaha Qaxootiga

dhadhaab

Hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay warbixin ay uga soo hor jeedsatay go’aanka ay dowladda Kenya ku sheegtay inay xireyso xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma.

Laanta ay hay’addan caalamiga ah ku leedahay dalka Kenya ayaa ka digtay in tallaabadaas ay dowladdu ku dhaqaaqdo waxayna sheegtay in ay tahay arrin khilaafsan xeerka adduunka.

Amnesty ayaa sheegtay in tallaabada noocaas ah ay masiibo bani’aadannimo u horseedi karto caalamkan la daalaa dhacay xanuunka Covid-19.

Dhawaan ayuu Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka ee Kenya shaaciyay qorshaha ay dowladdiisu ku dooneyso in si deg deg ah albaabbada la isugu dhufto xeryahaas kaddib markii uu sheegay in ay halis ku yihiin amniga waddankiisa.

Hase ahaatee qoraalka kasoo baxay Amnesty ayaa lagu sharraxay saddex arrimood oo Kenya ka hor istaagaya inay soo afjarto martigalinta qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma.

1- Ma jirto caddeyn ku filan marmarsiiyada Kenya ee ah in amniga ay khatar ku yihiin xeryaja

Mas’uulka Amnesty International u qaabilsan Soomaaliya, Cabdullaahi Xasan, oo loo yaqaanno Cabdullaahi Soomaali, ayaa BBC-da u faahfaahiyay qodobbada ugu muhiimsan warbixinta ay soo saartay hay’addooda.

Wuxuu sheegay in ururkan u ololeeya xuquuqda aadanaha ay hoosta ka xariiqeen in aan la aqbali karin xiritaan lama filaan ah oo mar qura albaabbada la isugu dhufto xeryaha.

“Hayadda Amnesty waxay aad uga soo hor jeeddaa baaqii kasoo baxay Kenya ee ahaa in ay muddo 14 maalmood gudahood ah ku xireyso xeyaha Kakuma iyo Dhadhaab,” ayuu yidhi Cabdullaahi Soomaali.

Wuxuu sheegay in aysan jirin wax caddeynaya cabsida ay Kenya sheegtay inay amnigeeda halis ku yihiin xeryaha.

“Arrinta ay ku marmarsiyootay Kenya ee ah in ay qaxootiga ku nool Dhadhaab iyo Kakuma khalkhal galinayaan amniga dalka ma jirto wax caddeyn ah oo ay u heysto Amnesty. Haddii ay jirto caddeyntaasna dowladda Kenya iyada ayaa looga baahan yahay in ay soo bandhigto.”

2- Sharciga caalamiga ah ayay jabineysaa tallaabada xiritaanka xeryaha

Qodobbada ay hay’addu cuskatayna waxaa ka mid ah in Kenya ay jabineyso sharciga caalamiga ah, sida uu sheegay Cabdullaahi Soomaali.

“Kenya waxay jabineysaa shuruucda caalamiga ah iyo sharciga u yaalla dalkeeda haddii ay dadka qaxootiga ah si khasab ah dib ugu celiso waddamada ay ka imaadeen,” ayuu yidhi.

Hayaddan ayaa sheegtay in dadka ku nool xeryahaas ay aad u walaacsan yihiin hadda maadaama uu soo dhawaaday waqtigii loo qabtay in lagu xiro xeryaha.

3- Aamar maxkamadeed oo soo baxay 2007

Hayadda amnesty ayaa warbixinta ay maanta soo saartay ku qeexday in Dastuurka Kenya uusan oggoleyn tallaabo kasta oo qaxootiga dalka looga eryayo.

“Xukun kasoo baxay maxkamadda sare ee Kenya sanadkii 2007 ayaa ka mamnuucaya dowladda Kenya in ay tallaabadaas sameyso. Maxkamadda xukunka kasoo baxay wuxuu dhigayay in ay sharci darro tahay, dastuurka dalka Kenyana ay khilaafsan tahay in dowladda Kenya ay si lama filaan ah u xirto xero dhan oo qaxooti ay ku nool yihiin iyadoo xaaladihii ay dadkaas kasoo carareen ay wali ka jiraan waddamadii ay kasoo tageen.”

Horay ayay Kenya marar kala duwan u soo saartay qorshe ay ku xireyso xeryahaas oo dadka ku jira ay u badan yihiin qaxooti Soomaali ah. Dalalka kale ee qaxootigan ay kasoo kala jeedaan waxaa ka mid ah Suudaanta Koonfureed, Itoobiya iyo Burundi.

Amnesty ayaa sheegtay in ay rajeyneyso in Kenya ay aqbasho baaqa ay ugu jeedisay dib uga noqoshada go’aanka xiritaanka xeryaha.

Sidoo kale waxay hay’addu codsatay in dadka qaxootiga ah ee u qalma sharciga muwaadinnnimada Kenya in la siiyo dadka kalena ay waddamada caalamka ee soo galootiga qaabila la wareegaan.

“Dalalka quwadaha leh waxaan ka codsaneynaa in ay Kenya ku caawiyaan sii martigalinta qaxootiga, haddii ay suuragal tahayna waddamada sida Mareykanka iyo Ingiriiska in ay dadka dib u dajin u sameeyaan haddii ay awood u heli weyso Kenya,” ayuu yidhi Cabdullaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here