4 dilal oo hadal hayn dhaliyay oo dad Soomaali ah ay ka geysteen dalal reer galbeedka

police uk london

Booliska Britain ayaa gacanta ku haya nin Soomaaliya kasoo jeeda oo lala xiriirinayo dilka xildhibaan ka tisanaa baarlamaanka UK, balse ma aha Soomaaligii ugu horreeyay ee fal noocaas ah ku lug yeesha, gudaha Britain iyo meelo kale oo ka mid ah dalalka reer Galbeedka.

Dilalka ka dhaca London waxaa sidoo kale dhibaneyaal u noqday dhallinyaro badan oo Soomaali ah, iyadoo arrintaas ay sababtay in waalidiinta qaarkood ay wiilashooda u diraan Soomaaliya si ay uga fogeeyaan dambiyada lagu geysto mindiyaha iyo isticmaalka daroogada.

Dhacdooyinkan waxay soo kordheen wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, markaasoo dad badan oo Soomaaliya ka tagay ay dibadda u qaxeen.

Marka laga soo dilka ugu dambeeyay ee dhacay 15-kii bishan October, waxaa jira kuwo kale oo rag Soomaali ah ay ku lug lahaayeen.

Waxaan eegeynaa qaar ka mid ah dilalkii ugu hadal heynta badnaa ee lala xiriiriyay dad Soomaali ah oo ka dhacay waddamada UK, Jarmalka iyo Australia.

1- Cali Xarbi Cali

Dilkii dhawaan loo geystay Sir David Amess oo ka tirsanaa baarlamaanka Britain waxaa loo soo xiray nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Cali Xarbi Cali.

Eedeysanaha ayaa loo heystaa inuu xildhibaanka oo ka tirsanaa xisbiga asal raaca ku dilay toori, xilli uu booqasho ku joogay deegaanka laga soo doortay oo uu dadweyne kula kulmayay.

Falkaas ayay dowladda UK ku qeexday mid argagixisanimo ah.

A photo of Sir David Amess at a vigil for him
Qoraalka sawirka,Dilka xildhibaan Sir David ayaa loo adeegsaday toori

Waxaa la rumeysan yahay in Cali uusan horay ugu jirin liiska dadka ay diiradda ku haysay hay’adda sirdoonka Ingiriiska ee MI5.

25 jirkan oo heysta dhalashada UK balse kasoo jeeda Soomaaliya ayaa lagu qabtay isla goobta uu dilka ka dhacay. Tan iyo maalintii Sabtida waxaa socda baaritaan ay boolisku ku hayaan kiiskan.

2- Cabdiraxmaan

25-kii bishii June, nin ku hubeytsan toori ayaa saddex ruux ku dilay magaalada Würzburg ee dalka Jarmalka, halka dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas, sida ay sheegeen laamaha amniga.

Ninka falkaas geystay oo Soomaali ah ayay warbaahintu magaciisa kusoo koobeen Cabdiraxmaan J.

Boolisku waxay sheegeen in aan la ogeyn ujeeddada ka dmabeysay falkaas
Qoraalka sawirka,Boolisku waxay sheegeen in aan la ogeyn ujeeddada ka dmabeysay falkaas

Booliska dalkaas ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninka la tuhunsan yahay oo 24 jir ah kaddib markii ay lugta ka toogteen.

Hase yeeshee markii dambe waxa ay sheegeen in uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan, iyagoo intaas ku daray in la daweynayo.

3- Raage Maxamed

Bartamihii bishii Deecember ee sanadkii 2020-kii, booliska Australia ayaa toogasho ku dilay nin asal ahaan Soomaali ah oo lagu tuhmay argagixisanimo.

Saraakiisha ayaa sheegay in Rage Maxamed Cabdi uu “sameeyay hanjabaad dhanka afka ah” inkastoo qareennadiisa ay sheegeen in uu ahaa qof dhimirka ka xanuunsan.

Ninkan oo 22 jir ahaa ayaa markii la dilayay ku hubeysnaa toori sida uu tabiyay telefishinka ABC ee fadhigiisu yahay Australia.

Laamaha amaanka oo ay soo wargaliyeen dad shacab ah ayaa ninkaas kula kulmay waddo mashquul badan.

4- Maxamed Cali Cige

Ilaa hadda waxa ay booliska Britain ku howlan yihiin raadinta nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali Cige, kaasoo loo heysto dil gudaha UK ka dhacay sanadkii 2010-kii.

Ninkan oo ah eedeysanaha loogu doondoonista badan yahay Wales ayay sheekadiisu wali taagan tahay, inkastoo falka loo heysto uu dhacay 11 sano ka hor.

Mohammed Ali Ege
Qoraalka sawirka,Booliska ayaa shaaciyay sawirrada Maxamed Cali Cige oo laga qaaday xilli ay gacanta ku hayeen booliska Hindiya sanadkii 2013

Maxamed Cali Cige, oo 43 jir ah ayaa markii hore u cararay dalka Hindiya, isagoo ka baxsanayay booliska Wales oo ku raad joogay.

Sanadkii xigay ee 2011-kii ayaa lagu xiray gudaha Hindiya isagoo loo heysto tuhun la xiriira dil.

Laakiin wuxuu baxsaday sanadkii 2017-kii xilli ay booliska Hindiya isku diyaarinayeen inay u soo gacan galiyaan booliska UK. Wuxuu ku dhex dhuuntay musqul ku taalla xarun tareenka ee magaalada New Delhi.

Cige waxaa loo heystaa dambi la xiriira dil loo geystay Aamir Siddiqi, oo xilligaas ahaa 17 jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here