4 qodob oo laga soo saaray kulankii Wasiirka Gudaha iyo odayaasha Hiiraan

Jeneral Mukhtaar

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta Magaalada Beledweyne kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ahaa mid uu dalbaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa looga hadlay, sidii lagu qaboojin lahaa xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne, ka dibna laga wadahadlo diidmada reer Hiiraan ka keenayn madaxtinimada Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle.

Beledweyne waxaa saakay ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah, waxaana xigay bannaanbax dhawr saacadood ka socday magaalada, iyadoo bannaanbaxa lagu diidanaa safar uu maanta Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ku taggi lahaa magaaladaasi.

Kulankan ayaa geba-gabadii waxaa laga soo saaray afar qodob, oo qodobka ugu muhiimsan uu yahay in la joojiyay socdaalkii Madaxweyne Guudlaawe ee Beledweyne.

Akhriso qodobada ka soo baxay kulanka

1 – In Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ballanqaadayo inaanu Madaxweynaha Hirshabelle imaan doonin Beledweyne, inta xal laga gaarayo khilaafka jira iyo tabashooyinka ay reer Hiiraan qabaan.

2 – In Dowladda Soomaaliya aanay Ciidamada Qalabka Sida u adeegsan doonin dadka reer Hiiraan ee saluugsan Dhismaha Hirshabelle-da cusub.

3 – In Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday in ay dejiyaan xaaladda ka taagan Beledweyne, kana qayb qaataan sidii wadooyinka xiran loo furi lahaa.

4 – In Odayaasha Dhaqanka ay Wasiirka Arrimaha Gudaha u soo gudbiyaan warqad ay kaga hadlayaan tabashooyinkooda ku aadan Dhismaha Maamulka cusub ee Hirshabelle, si uu u gaarsiiyo Madaxweynaha Qaranka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here