47 ka mid ah xildhibaanada DIR oo soo saaray go’aan ka dhan ah Cabdi Xaashi

aqalka sare

Xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee ku jira Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hor-yimid guddoomiyaha aqalka sarre, Cabdi Xaashi oo muddooyinkii dambe ku doodayey inuu xaq u leeyahay soo magacaabista guddiga metelaya goboladaasi.

Xildhibaanada oo war-saxaafadeed kasoo saaray kulamadaas ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu gebi ahaanba ku metelin hadalada iyo qoraalada uu maalmihii u dambeeyay soo saaray, kuwaasi oo uu kaga soo horjeeday dhismaha guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan kuwa gobolada Waqooyi.

War-saxaafadeedka oo ay ku saxiixnaayeen 47-xildhibaan oo ka tirsan labada aqal, isla markaana kasoo jeeda gobolada Waqooyi ayaa waxa lagu taageeray xukuumadda, iyada oo lagu sheegay in guddiyada doorashada ee qeybta ka yihiin kuwa gobollada Waqooyi ee uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaare Rooble, lagu dhisay hab waafaqsan heshiiskii siyaasaddeed iyo hab-raacyada ka farcamay kadib wadatashi baaxad weyn oo lala yeeshay xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo hogaanka dhaqanka ee kasoo jeeda goboladaasi.

“Waxaanu caddaynaynaa in guddoomiyaha aqalka sarre, in kasta oo uu yahay odey aanu aad u qadarino, in aanu ku metelin Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka JFS iyo odeyaasha dhaqanka hadalada iyo qoraalada uu soo saaray ee uu ku durayo dhismaha guddiyada doorashada ee gobollada Waqooyi iyo habraacyada loo maray, maadama oo aanu nala tashan waxna naga weydiin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxa warsaxaafadeedka xildhibaanada lagu taageeray heshiiskii siyaasadeed ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadu ku gaareen magaalada Muqdisho, isla markaana uu meelmariyey baarlamaanka, kuwaasi oo ay kasoo baxeen habraacyada lagu dhisay guddiyada doorashooyinka.

Waxay ugu dambeyntiina ku tilmaameen nasiib darro in siyaasiyiin ujeedooyin siyaasadeed leh ay isku dayaan inay ka dhigtaan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi dariiq ay usii maraan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen doorashooyinka Qaranka ee lagu heshiiyey.

Khilaafka ka dhashay guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan kuwa gobolada Waqooyi ayaa muddooyinkii dambe isasoo tarayay, iyada oo ay u muuqato inay ku adkaatay xukuumadda, maadama ay dhabarka u jeediyeen Cabdi Xaashi tiradii u badneyd ee labada gole ku matelaysay gobolada Waqooyi.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka ay soo saareen xildhibaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here