5 Xildhibaan oo ka soo jeeda Somaliland oo maanta Muqdisho lagu doortay

xildhibaano ah SL dfs 2021

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye.

Maareeye ayaa ku soo baxay codad aad u badan, kadib markii uu la tartamay, kana adkaaday musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi Maareeye ayaa helay 96 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 3 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod

Guusha Maareeye ee kursiga HOP#225 ayaa aheyd mid horay loo sii saadaalinayey.

Kursiga xiga waxaa sidoo kale mar labaad ku soo baxday Xildhibaan Aamino Cumar Jaamac oo cod gacan taag ah loo qaaday, kadib markii ay tanaasushay gabadhii la tartameysay Aamino Cismaan Diiriye oo madasha ka hadashay, sheegtayna inay ka hartay tartanka.

Sidoo kale Faadumo Xasan Cali ayaa iyaduna loo tanaasulay, waxayna cod gacan taag ah ay ku heshay 91 cod, halka ay ka aamuseen 10 qof oo ka mid ah ergada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here