50 arday oo Soomaali ah oo ku go’doonsan gobolka Tigray

ethiopia tigray

Qiyaastii 50 arday oo Soomaali ah ayaa la sheegayaa in ay ku go’doonsan yihiin gobolka Tigray ee ay dagaaladu ka socdaan ee dalka Ethiopia, kuwaasi oo wajahayey xaalad halis ah tan iyo markii uu qarxay dagaalka ka socdo goblkaas.

Ardayda Soomaalida ayaa waxa ay ka mid yihiin boqolaal arday ah oo ka kala yimid wadamo kale oo Africa ah, iyo kuwa kale yimid qeybaha kale ee Ethiopia oo halkaas waxbarasho u soo aaday, kuwaas oo ay halkaasi dhibaato kula dhacday.

Culeyska ayaa waxaa uu ku sii badan yahay ardayda aan wadankaas u dhalan, kuwaas oo aan labo todobaad aan wax xiriir ah lasoo sameyn waalidiintooda sida uu sharaxaayo arday wax kusoo ka bartay dalkaas oo la hadlay VOA-da.

“3 sano ka hor mar aan tagay waa ay badnaayeen, arday badan ayaa joogta waxaa ay dhigtaan qeybaha kala duwan, waxay kala imaadeen Gobolada Maamulada Puntland iyo Somaliland, waxa dhacaayo lama oga, cid war ka heli karto majirto.”

Isgaarsiinta gobolka ayaa go’an muddo ka badan laba toddobaad, tan iyo markii dagaalka uu billowday, taasi oo adkeysay in wax war ah laga helo xaaladda dadka ku go’doonsan gobolka.

Ardaydan Soomaalida ah ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn karaan ama ay halis u noqon karaan duqeymaha ay ciidamada Abiy Ahmed ka fulinayaan gobolka.

Dhibaatada ayaa sidoo kale waxaa ay saameysay hey’adaha caalamiga ah ee gargaarka ka shaqeeyo, kuwaas oo aan awood u helin in ay ogaadaan xaqiiqada dhabtaa, marka laga reebo waxaa ay soo gudbiso dowladda federaalka ah.

Hey’adaha gargarka ayaa ku baaqaya in sida ugu dhaqsiyaha badan si ku meel gaar ah xabadda loo joojiyo gobolka Tigray si ay u suragasho in la gaaro dadka rayidka ah ee uu dagaalka saameeyay.

Qaramada Midoobey ayaa doonaysa in la sameeyo tub gargaarka bina’aadanimo loo mariyo dadka uu saameeyay dagaalka labada toddobaad u dhaxeeya Militariga fedaraalka Itoobiya iyo xoogagga Tigray.

Boqllaal qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagalada ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeed ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

Dowladda ayaa sheegtay in xooggagii kula dagaalamayay magaalooyiinkaasi “ay is dhiibeen”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here