6 Senator oo maamulka Galmudug ku metelaya Aqalka Sare oo maanta la doortay

aqalka sare galmudug

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta lagu doortay Lix Senator oo kamid ah xubnaha maamulkaas ku metelaya Aqalka Sare ee baarlamanka ee 11-aad ee Soomaaliya.

Haddaba, wax ka ogow taariikhda Senator-da maanta la doortay, kuwaasi oo dhamaantood ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen musharaxiintii kula tartamayey kuraastaas.

1- Saciid Siyaad Shirwac â€“ Saciid oo kasoo jeeda beesha Saleebaan, waxaa uu muddo 20 sano ah ku jiray siyaasadda, qeybna uu ka ahaa shirarka dib u heshiisiinta, hadda xisbi kama tirsana, waana wasiirka deegaanka.

Sidoo kale waxa uu hore u soo noqday wasiirka maaliyada, wuxuuna ku guuleystay kursigii koowaad ee Aqalka Sare ee maamulkaas, isagoo helay 87 kamid ah codadka xildhibaanada, kadib markii musharaxii la tartamayey Maxamed Daahir Maxamed uu tanaasulay. Waxaa diiday laba xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay.

2- Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) â€“ Yuusuf oo kasoo jeeda beesha Duduble, waxaa uu hore uga tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka tirsan yahay kooxda Waayo-arag.

Sidoo kale waxa uu kaalinta hore kaga jiraa siyaasiyiinta la soo shaqeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor, waxa uu ku soo baxay 87 codad, ayada oo mid uu diiday midna uu ka aamusay. Waxaa tanaasulay Daahir Faarax Fiidow oo la tartamayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here