6 Senator oo Reer Somaliland ah oo maanta lagu doortay Afisyoone

somaliland senators

Waxaa goordhoweyd soo dhamaatay doorashada Lix kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi, taasi oo ay ku baxeen mas’uuliyiin hore loo sii ogaa iyo kuwa ay loolan adag la gashay Villa Somalia.

Kursiga 1-aad: Waxaa loo doortay guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Saciid Cumar Xuseen oo habeen ka hor isku diiwaan-geliyey tartanka doorashada ee Somaliland.

Intaasi kadib Cabdi Xaashi ayaa waxaa loo qaaday codeyn gacan taag ah, wuxuuna helay 44 cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada kuraasta gobollada waqooyi.

Natiijadan ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, iyada oo loo saadaalinayey inuu ku soo baxayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo 4 sano soo ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare.

Kursiga 2-aad: Waxaa ku soo baxay oo ku guuleystay Saalax Axmed Jaamac, waxaana tartamay Wasiirka Dastuurka dowladda federaalka Soomaliya, Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, Ibrahim Iidle Suleymaan.

Wasiirka Dastuurka, Saalax Axmed Jaamac ayaa Kursiga 2-aad ku helay codad gaaraya 29, halka Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare uu helay 12 cod.

Kursiga 3-aad: Waxaa loo doortay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxaana kula tartamay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, oo asagu ku haray wareega 1-aad.

Wareega labaad ee doorashada oo ay isku soo hareen Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Allabari ayaa waxa uu helay Prof Samatar 25 cod, halka 21 Cod uu helay musharaxa la tartamayey.

Kursiga 4-aad: Waxaa loo doortay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, waxaana kula tartamayey Cabdikariin Maxamed Xasan, wuxuuna kaga guuleystay Dubbe 28 cod, halka uu musharaxa kale helay 17 cod.

Kursiga 5-aad: Waxaa ku guuleysatay Leylo Axmed Ismaaciil, waxaana la tartami lahaa Maxamed Maxamuud Cabdi oo markii dambe u tanaasulay Leylo, waxayna cod gacan taag ah ku heshay 30 cod, halka ay 6 kalena ka aamuseen.

Kursiga 6-aad: Bilaal Idiris Cabdilaahi ayaa ku guuleystay kursigaas oo asagu horey ugu fadhiyay, wuxuuna helay codad gaaraya 37 cod.

Waxaa kula tartamayey Bilaal kursigaan Seynab Axmed Boqore oo ayadu heshay 8 cod oo keli ah.

Doorashada maanta ayaa lagu soo afmeeray doorashada Lixdaas Senator, waxaana loo ballamay oo dhiman shan kursi oo kale, kuwaasi oo kamid ah 11-ka Kursi ee gobollada Waqooyi ee ku metala Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here