66 jir ah Soomaali ah oo xaaskiisa dilay oo xukun lagu riday

Xuseen Yuusuf Cigaali

Maxkamad ku taalla magaalada London ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaadin Somali British ah, kaasoo bishii April ee sanadkii hore xaaskiisa ku dilay xaafada ay ka degan yihiin Soomaalida Edmonton Green ee Waqooyiga London.

Xuseen Yuusuf Cigaal oo 66 sano jir darawal basaska dadweynaha ah ayaa maxkamadda ka hor qirtay in xaaskiisa Maryan Ismaaciil uu dilay 6 April, kadib markii ay guriga ugu ceyrisay markii uu ku dhacay cudurka COVID19, kuna qeylisay si uu guriga isaga tago uguna fogaado iyada iyo caruur kale oo ay haysatay, balse isaga aanu wax ubad ah u dhalin.

Xuseen ayaa maxkamadda horteeda ku dooday in uu isdifaacayay islamarkaana cudurkii ku dhacay uu waalay kuna riday isbadal dhinac walba leh, taasoo keentay geerida marxuumada.

Baaris lagu sameeyay meydka marxuumadda xaaskiisa aheyd ayaa muujiyay in uusan jirin gacan ka hadal dhex maray labadooda, balse xaaska si ula-kac ah loo dilay.

Falkaan oo dhacay 6-dii April 2020 ayaa si weyn waxaa uga murugooday dadka Soomaaliyeed ee aqoonta u leh Xuseen oo ahaa qof aad u degan, ku xernaa masaajidka shaqeysta, reerkiisana dhaqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here