9 kiis oo cusub oo cudurka CORONAVIRUS ah oo laga diiwaangeliyey Muqdisho

Coronavirus2

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in ay magaalada Muqdisho ka diiwaangelisay 9 kiis oo cusub oo cudurka Coronavirus ah.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda, oo lagu xaqiijinayo sagaalka xaaladooda ee cusub, ayaa lagu sheegay in dadkaan ay dhamaantood yihiin dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin.

Sida ay sheegtay wasaaradda, 6 kamid ah dadkan ayaa ah dad horey iyagu xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay.

Waxaa ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka labo sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimadka ee uu saameeyay cudurku afar (4), sida lagu sheegay qoraalka.

Sagaalka kiis ee cusub ee maanta la diiwaan-geliyey ayaa tirada guud ee dadka cudurka Coronavirus laga helay ee Soomaaliya waxay ka dhigeysaa 21 qof.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tani ay muujineyso in xanuunkii uu si aayar ah ugu faafayo buslshada dhexdeeda, waxyanta ku talisay in qof walba oo innaga mid ah uu la yimaado taxadar dheeraad ah, lana raaco dhamaan fariimaha iyo talooyinka Wasaarddu ay bixinayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here