Xildhibaanada DF oo maanta ka doodaya Sharciga Doorashooyinka Heer Federaal

Barlamaanka df

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta dood ka leh sharciga doorashooyinka heer Federaal, kaasoo todobaadkii hore loo qeybiyay Xildhibaanada.

Sharcigan oo bishii May ee sanadkan ay ansixiyeen Xukuumadda, isla markaana loo soo gudbiyay Baarlamaanka ayaa loo saaray Guddi Xildhibaano ah oo ka kooban 15 xubnood, si ay wax ka bedel iyo dib u eegis ugu soo sameeyaan qodobada qaar oo dood ay ka taagneyd waafajintooda dhanka Dastuurka.

Sharcigan oo la sheegay inuu ahaa mid Madaxtooyada wadatay, isla markaana qodobada qaar u muuqday mid u daneynaya Madaxda hada joogta ayaa wax ka bedel lagu sameeyay, iyadoo meesha laga saaray in qodobkii muranka badan ka taagnaa ee ahaa matalaada dheelitiran ee Liiska xiran, waxaana lagu bedelay nidaamka aqlabiyada badan oo ah in kursi walba loo doorto gaarkiis.

Dooda Xildhibaanada ka yeelan doonaan sharcigan iyo wax ka bedelka lagu soo sameeyay ayaa la hadal hayaa inay noqoto mid kulul, waxaana jira Xildhibaano taabacsan Madaxtooyada oo ka soo horjeeda wax ka bedelkii lagu sameeyay sharciga.

Guddigii KMG ee loo saaray sharcigan inay soo diyaariyaan ayaa warbixintooda todobaadkii hore ku caddeeyay nidaamka ay noqon karto doorashada sanadka 2020/2021, iyagoo ka saaray qodobo aanan dastuurka waafaqsaneyn oo ku jiray sharcigii Madaxtooyada wadatay ee ah in Madaxweynaha cida dooraneysa ay tahay Labada Gole ee Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here