Sawirro: Dalka Qatar oo qaaday illaa 22 qof oo ku dhaawacmay Ex Control

qatar gurmad excontrol1

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubna ka tirsan guddiga gurmadka qaran ee dhawaan loo magacaabay isku dubba ridka howlaga gurmadka, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabulle ku soo dhoweeyay diyaarad dowladda Qatar, ay u soo dirtay qaadidda qaar kamid ah dhaawacyadii ku waxyeelloobay weerarkii argagaxiso ee Ex-Kaantarool Afgooye.

Mr Kheyre ayaa dowladaha Qatar iyo Turkiga uga mahad celiyay gurmadka walaaltinnimo ee ballaaran oo ay u fidiyeed dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo qeybta wayn ee ka qaateen dadaallada daryeelka loogu fidinayo dhibbanayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siineyso bed-qabka iyo daryeelka mawaadiniinteeda, ayna ku dadaaleyso in bukaannadu ay helaan baxnaaninta ay u baahanyihiin.

Diyaaradda Qatar ay soo dirtay maanta oo dowladda soo gaarsiiyay dawo ay qayb ka ah gurmadka, ayaa qaaday 22 mawaadin oo ku dhaawacmay weerarka argagaxiso, si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Shalay ayaa dowladda Turkigu waxa ay sidaan oo kale dalkeeda u qaaday mawaadiniin Soomaaliyeed oo qayb ka ahaa dhaawacyadii ka dhashay weerarka Argagaxiso ee Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here