Canug Soomaali ah oo noqday kii ugu horreeyay ee Toronto ku dhashay 2020

ikran iyo deeq

Sida ay qortay warbaahinta dowladda Canada ee CBC, canuggii ugu horreeyay ee ku dhashay magaalada Toronto, ilbiriqsigii ugu horreeyay ee 2020 wuxuu noqday Soomaali.

Wuxuu ku dhashay cisbitaalka Humber River Hospital ee magaalada, wuxuuna dhashay markii saacadu ay ahayd 00:00 (12:00) ee sannadka cusub.

Wiilkaa dhashay waxaa loo bixiyay, Amiir Deeq Maxamed. Maamulka Cisbitaalkaas waxay sheegeen in markii saacadda ay saqda dhexe ku istaagtay in canugaas uu soo baxay.

Waalidiinta cannugan, Deeq Maxamed Faarax iyo Ikraan Axmed Maxamed waxay Canada galeen shan sano ka hor iyagoo qaxooti ah.

In kastoo Amiir uu dhashay sannad cusub, saacad cusub iyo bilowga toban sano oo cusub, haddana wuxuu ku cusub yahay una cusub yahay qoyskiisa.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan cannugan dhalay,” ayuu yiri Deeq Maxamed Faarax.

“Dareenka aabe ahaan aan qabo wuxuu yahay in aan aad iyo aad ugu farxay. Farxaddeyda meesha ay gaartay ma aysan gaarin intii aan noolaa”, ayuu yiri Deeq.

Dhaqaatiirta waxay horey ugu sheegeen in cannugan, Amiir, uu dhalan doono 22-ka bishii December, sida uu Deeq u sheegay BBC Somali. “Inaga horey uma qorsheysan mana fileyn in cannuga uu dhalan doono sannadka cusub”.

Amiir markii la iclaamiyay in uu yahay cannugii ugu horreeyay ee Toronto ku dhashay ilbiriqsigii ugu horreeyay ee 2020, waxaa lagu soo dhoweeyay farxad, waxaana cisbitaalka tagay weriyayaal diyaar u ahaa in ay ka warramaan, sida ay qortay warbaahinta dalka Canada.

“Xitaa ma aynaan ogeyn in sannad cusub uu bilowday,” ayuu yiri Amiir aabihii, Deeq, kaas oo xilligii fasaxa isbitaalka kula noqnoqonayay Ikraan, xaaskiisa, ka dib markii uu dhallan waayay xilligii la filayay. Waxaa sidaa qoray mid ka mid ah warbaahinta Canada.

“Waa farxadda sannadka cusub. Ma filayn canug dhasha sannadka cusub,” ayaa laga soo xigtay.’

Ikraan waxaa cisbitaalka la seexayay habeenkii Axadda ee xilliga canada, waxayna dhashay ilbiriqsigii ugu horreeyay ee Arbacadii, oo sannadka cusubka uu bilowday.

Deeq wuxuu Canada tagay sannadkii 2014-kii, xaaskiisa Ikraanna waxay ka dambeysay hal sano.

Sida ay sheegtay hay’adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNICEF, qiyyaas ahaan, waxaa maalinta ugu horeysay ee sannadkan 2020-ka dunida ku dhashay carruur gaareysa 392,078.

Sideedda dal ee tirada ugu badan ay ku dhasheen waxay kala yihiin: (Xigasho: UNICEF)

  • Hindiya — 67,385
  • Shiinaha — 46,299
  • Nigeria — 26,039
  • Pakistan — 16,787
  • Indonesia — 13,020
  • Mareykanka — 10,452
  • DR Congo — 10,247
  • Itoobiya — 8,493

“Bilowga sannad cusub iyo toban sano oo cusub waa fursadda aan dib ugu noqon karno rajadeena iyo himilooyiinkeena. Keliya ma ahan mustaqbalkeena, balse mustaqbalka kuwa inaga dambeeya”, ayuu yiri Henrietta Fore, Agaasimaha Fulinta UNICEF.

Wiilka yar ee Amiir wuxuu 50 ilbiriqsi ka horreeyay Aryan Walia, kaas oo ku dhashay cisbitaalka Credit Valley Hospital ee Mississauga.

Amiir oo noqday cannugii ugu horreeyay ee ku dhashay Toronto sannadka cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here