Sawirro: Axmed Madobe oo Nairobi kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

madoobe iyo yamamoto

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya  kula qaatay safiirka Mareykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yukio Yamomoto, kaas oo ay kaga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha amniga iyo mashaariicda ay wakaalada horumarinta Mareykanka USAID ka wado gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka, gaar ahaan maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Axmed Madoobe iyo Donald Yamomoto ayaa  isla qiray muhiimada ay leedahay wada shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka dalka, si cabqadaha kala duwan ee dalka ka jira si wadajir loogu wajaho, xalna looga gaaro.

Arrimaha kale ee kulankaan gaarka ah looga hadlay waxaa ka mid ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, gaar ahaan baahida loo qabo in howlgal loo dhan yahay la qaado, si looga adkaado dagaalyahannada Al-Shabaab.

Shirkan Axmed Madoobe iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ku dhex maray Nairobi ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli halkiisa yahay khilaafka dowladda federaaka iyo Jubbaland, kaas oo saameeyey wada shaqeynta labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here