Soomaaliya oo ciidamo hor leh ku xoojisay xuduuda kala dhexaysa Kenya ee Gedo

diyaarad hub ciidan dhuusamareeb

 Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata inay ku gacan seertay cadaadiska ay beesha caalamka ku saartay inay qaboojiso xiisadda dagaal ee ka taagan gobolka Gedo, oo horey dagaal uu uga dhacay.

Xogo la helay ayaa sheegaya in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay gobolka gaareen diyaarado sida hub iyo ciidamo dheeraad ah, kuwaasoo xoojin u ah kuwii horay loo geeyay.

Ciidankan iyo hubkan ayaa badankood la geeyey degmooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo, oo labadii bishan March ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee uu hogaamiyo Cabdirashiid Janan, waxaana dhowr diyaaradood ay ka dageen degmada Beledxaawo iyo Doolow.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay horey u ballan-qaadeen in xiisadda la qaboojiyo, islamarkaana ay labadooda ku kulmaan magaalada Nairobi, si xal buuxa loo gaaro.

Hase yeeshee kulankaas ayaa loo baajiyey sababo lagu sheegay faafitaanka cudurka Coronavirus, inkasta oo xogo hoose la helayaa ay muujinayaa in baajinta kulanka ay horseeday is-aaminaad la’aan, oo aysan shaqo ku lahayn Coronavirus, taasi oo sharxeysa ciidanka cusub ee dowladda ay gaysay gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here