Waxaa goor dhow Muqdisho ka bilowday dibad-bax ballaaran ay dhigayaan dadweyne isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.
Dibadbaxyada ayaa haatan ka bilowday qeybo badan oo caasimada ka mid ah, sida taalada Daljirka Daahsoon iyo isgoyska KM4.
Dadka dibad-baxa dhigaya oo lka kala yimid dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa wata boorar lagu soo xardhay sawirrada Madaxweynaha.
Ujeedka dibad-baxyadaan ayaa ah kuwa lagu taageerayo codsigii uu shalay Farmaajo ka hor jeediyey baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare.
Sidoo kale waxaa saaka la xiray jidad muhiim ah oo ay ka mid tahay wadada Maka Al-Mukarrama, iyadoona la soo dhoobay ciidamo dheeraad ah, si ay u xaqiijiyaan amniga.