Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka qeybta 27-aad ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen duleedka magaalada Beledweyne ee gobolkaasi.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ka howlgala gobolka Hiiraan.
Saraakiil ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay howlgalladaasi, waxaana ay sheegaan inay kula wareegeen deegaanka Luuq-Jeelow oo 25 u jira magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.
Sidoo kale saraakiisha ayaa carabka ku dhuftay inay soo furteen maxaabiis gaarayey illaa laba ruux, kuwaas oo u xirnaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in deegaankaasi ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada hoobiyeyaasha ah iyo kuwa kale ee ay ka fuliyaan Hiiraan.
Ugu dambeyn saraakiisha warbaahinta la hadashay ayaa xusay inay burburiyeen xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, kuwaas oo gaadiidka lacago looga qaadi jiray.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo habeen hore Al-Shabaab weerar madaafiic ah ay ku garaacday saldhigga ciidanka Jabuuti ee Beledweyne iyo xaafado ku yaalla degmadaasi.