Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa Magaalada hargeysa kulan wadatashi iyo xog waran kula yeeshay Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Waxgaradka ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Kulanka oo ahaa mid qado ayaa waxa looga hadlay guud ahaan danaha Gobolada SSC, Somaliland, wadahadaladii Khaatumo iyo Somaliland iyo isbedeladii ugu dambeeyey ee Geeska Afrika.
Markii shirku dhamaaday waxaa Saxaafada la hadlay Cismaan Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo ka warbixiyey ujeedada kulanka.
Osman ayaa yiri “Shirka waxaa qabtay Madaxweyne Cali Khaliif, waxaan kaga wadahadalay danaha Gobolada SSC iyo Somaliland, sidoo kala kulamadii ugu dambeeyey ee Khaatumo iyo Somaliland, saamiqaybsiga Somaliland, wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna shirku ku dhamaaday guul iyo isafgarad.”
Sidoo kale wuxuu sheegay in la sii ambaqaadi doono qodobadii laysla gartay.