Warka naga soo gaaraya gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Danab ay la wareegeen degmadda Kunturwaareey, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kooxda Al-shabaab.
Howlgalka Ciidamada ku qaadeen Kuntuwaarey maanta oo jimco ah ayaa qeyb ka ahaa howlgalada muddooyinkii u dambeeyay ka socday Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo, ciidamada Danab ay la wareegeen degmada Kuntuwaarey.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen horjoogeyaal sare oo Shabaab kamid ah, ka dib howlag qorsheysan oo laga fuliyay Degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay u baxsadeen dhanka deegaanka Sablaale.
Saraakiisha Ciidamada DANAB waxa ay dhanka kale sheegeen in howlgalo baaris ah oo isugu jiro Miino baaris iyo raadinta saraakiil katirsan Al-Shabaab in ay ka wadaan Xaafadaha Degmadaasi.
Ciidamada ayaa sii daayey dad Shacab ah oo Kooxda Alshabaab ay ku heysteen Degmada kunturwaareey sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Dowladda.
Ilaa haatan Al-Shabaab kama aysan hadlin howlgalkaan qorsheysan oo saraakiisha Ciidamada DANAB sheegeen in ay gacantooda ugu saareen Degmada Kuntuwaarey Gobolka Shabeelaha Hoose.