Shuruurdo adag iyo lacag aad u badan oo lagu xiray musharaxiinta labada Aqal

xildhibaanada labada aqal dfs

Shirkii xarunta Villa Somalia uga socday madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa lagu go’aamiyey shuruudaha laga rabo musharaxiinta xildhibaanimada u tartameysa labada Aqal.

Sidoo kale waxa shirkaasi lagu soo saaray shuruudaha laga rabo ergooyinka soo dooraneysa xildhibaanadaasi, kuwaasi oo ka kooban siddeed shuruud.

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartameysa labada aqal ayaa waxa kamid ah in xildhibaanada Aqalka Sare laga rabo lacag dhan 20-kun oo dollar oo diiwaan gelin ah, halka kuwa Aqalka golaha shacabka laga rabo 10-kun.

Hoos ka akhriso shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartameysa labada Aqal ee baarlamaanka federaalka:

  • In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
  • Dhimirkiisu u dhan yahay
  • Da’diisu ka yarayn 25 sano
  • Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
  • Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  • In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
  • In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
  • Musharax kasta oo u tartamaya golaha shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.
  • Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.
  • Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.
  • Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Sidoo kale hoos ka aqriso shuruudaha ergada soo dooranayso xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliyeed:

1- In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5.

2 – In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano

3 – In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo

4 – In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada

5 – In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna

6 – In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay.

7 – In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada

8 – In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here